Tacshiirada ay dad ku dhinteen oo xalay ka dhacaday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose.

Submitted by wararka on Wed, 05/14/2008 - 07:04.

Kismaayo. 14. May .2008. (Sh.M.Network)- Labo Qofood ayaa ku dhimatay Goob lagu qaxweeyo oo ku taal magaalada Kismaayo kadib markii nin dableey ah uu rasaas aan loo meel dayin uu la eegtay dadkasi.

Dhimashadani labadan ruux oo mid ka mid ah uu ka mid ahaa Maleeshiyaadka Magaalada Kismaayo iyo Qof Rayid ah ayaa waxaa ay timid kadib markii nin hubeeysan uu rasaas uu ku furay uu fiifnimadii xalay goob ay dadkasi ku qaxweeynayeen ee bartamaha Xaafada Aargo ee gudaha magaalada Kismaayo.

Ninka hubeeysan ayaa la sheegay in uu soo dul istaaga Maqaayada kaasi oo doonayay in uu toogto nin isaga la dhashay taasina ay keentay in uu raasaasta uu ku soo furo maqaaydaasi lagu qaxweeyayay sida ay dad goob joogayaal ah u shegeen Idaacada Shabelle.

Wararka laga helayo goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in ruux dilka geeystay iyo marxuumka la dilayay ay ahaayeen labo wada dhalatay taasi oo aan la ogeeyn wax keenayo in labo walaalo ah ay is dilaan.

Rasasta ka Baxday Marxuumka la doonayay In la dilo ayaa waxaa ay isna dishay nin kale oo rayid ahaa isla markaana ku sugnaa halka uu falka dilka ka dhacay.

Falkani markii uu dhacay ayaa waxaa uu sameey weeyn ku yeeshay goobaha gancsiga ee xaafada Aargo ee magaalada Kismaayo oo gabi ahaanba irdaha loo laabay kadib markii Rasaas aad u badan ay fureen kooxo maleeshiyaad ah oo goobta ka agdhawaa in kastoo aysan cidi wax ku noqon rasaastaasi.

Ma’ahan markii ugu horeeysay ee Fal sidan oo kale ah uu ka dhaco meel lagu qaweeynayay oo lagu dilo dad Rayid ah balse waxaa u danbeeysay dhacdo ka dhacday Kismaayo Bishii aynu ka soo Gudubnay horaanteedii kaasi oo dil loogu geeystay Bartamaha Xaafada Aargo kaasi oo loo geeystay Mid ka mid ah Darawalada Gawaarida Blka ah.

Weli wax war ah oo ku aadan dilkasi kama soo Bixin maamulka Magaalada Kismaayo waxaana soo badanay dilalaka sidan oo kale ah ee loo geeysanayo dadka rayidka ah xili ay maamulka magaalada Kismaayo sheegeen in ay wax ka qabanayaan amaanka Guud ee Kismaayo.

Shabelle Media Network.Somalia.

 
8am
1.30pm
7pm
Sat
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri