Goob lagu qeeybinayay Deeq raashin ah ee magaalada Kismaayo oo dhimasho iyo dhawac ay ka dhasheen.

Submitted by wararka on Wed, 05/14/2008 - 12:21.

Kismaayo. 14. May .2008. (Sh.M.Network)- Qof haweeneey ah ayaa ku geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii shaqaaqo ka dhalatay Raashiin la qeeybinayay ay rasas ku fureen ciidamada Amaanka ah gudaha magaalada Kismaayo.

Dhimashada iyo dhaawac dadkani rayidka ah ayaa waxaa ay ka dhacday xaafada Afmadoow ee magaalada Kismaayo kadib markii ay dadkaasi ku soo xoomeen meel raashiin ay ku qeeybinayeen Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP ee gudaha Magaalada Kismaayo kadibna ay Rasaas ku jawaabeen Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo taasina ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dadkasi rayidka ah sida uu shabelle u xaqiijiyay gaashaanle Max’ed Buuloow oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale sarkaalkaasi waxaa uu sheegay in ay soo qabteen Ruuxa dhibkaasi geeystay isla markaana ay xili dhaw geeyn doonaan Xabasiga J/hoose.

Inta Badan marka Raashiin Deeq ah laga qeeybinayo Magaalada Kismayo oo ay dadku ku soo xoomaan ayeey Ciidamada Amaanka ee Kismaayo Bilaabaan in ay raasaas dadka ku kala eryaan taasi oo ay ka dhalato dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

Labadii maalin ee ugu danbeeysay ayaa waxaa magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafadaha ay ku nool yihiin dadka Danyarta ah laga qeeybinayay taasi oo dadka Rayidka ah ay dhibaatooyin ka sheeganayeen Ciidamada Amaanka magaalada Kismaayo.

Shabelle Media Network.Somalia.

 
8am
1.30pm
7pm
Sat
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri