Muqdisho. 14. May .2008. (Sh.M.Network)- Hal Qof ayaa Ku Geeriyooday Mid kalena Wuu Ku Dhaawacmay Ka dib Markii Rag Labisan Dareeska Ciidamada Dowalada KMG Somalia Rasaas ay Ku fureen Gaari dad Rayida ay Wateen oo marayay Aga gaarka Deegaanka Ex Contorol Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Garigaan oo ay wateen 3 Ruux ayaa Waxa uu Darawalkii Gaarigaasi Idaacada Shabelle u Sheegay in Ciidamo Ka tirsan Kuwa DKMG Somalia ay Rasaas Ku Fureen ka dib Markii ay Joojiyeen gaarigaasi iydoo rasaastaasina ay Sababtay in uu Ku Geeriyooday hal Qof oo Kamid ahaa Sedaxdii Qofood ee Saarnaa Gaarigaasi iska Markaana uu dhaawac soo gaaray Mid kale.
Halka Ciidamada ay Ku Rasaaseeyen Dadkaasi Rayidka ah ayaa Waxa ay Ahayd Meel aan Contarol aheeyn iydoo aan La Ogayn Sababta ka Danbaysay in Ciidamadaasi ay Rasaasay Ku Furaan Dadkaasi Rayidka ah ee Wadada iska Marayay.
Ma,ahan Markii Ugu horaysay ee Ciidamo Ka tirsan Kuwa DKMG Somalia ay Rasaas isaga Furaan Dad Rayid ah oo aan Waxaba galabnsan Waxaan mararka qaraxyo Lala Beegsado Ciidamad Dowlada KMG Somalia iyo Kuwa Ethiopia Dhacda in ay Dad Rayid ah ay iska Rasaaseeyaan iyagoo ku Tuhmaya in ay Yihiin kuwa Qarax la’eegtay.
Shabelle Media Network.Somalia