Dadka ku nool Magaalada Muqdisho oo Siyaabo kala duwan uga hadlay Shirka Somalida uga Furmay Dalka Jabuti

Submitted by wararka on Wed, 05/14/2008 - 06:02.

Muqdisho. 14. May .2008. (Sh.M.Network)- Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa Aragtiyo kala duwan ka Bixiyeen Shirka dhawaan Somalida uga Furmay Wadanka Jabuti.

Qaar ka Mid ah Dadweeynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo Shabelle ay Mecarafon ka la dhex qaaday ayaa Siyaabo kala duwan uga hadlay Shirka Dowlada Somalia iyo Kooxaha Mucaaradka uga Furmay Dalka Jabuti dhawaantan kaasi oo lagu wado in lagu dhex dhexaadiyo Dowlada Somalia iyo kooxaha Mucaaradka ah ee ka soo hor jeeda hanaan Siyaasadeedka Dowlada KMGS.

Dadkani ayaa qaarkood rajo wanaagsan ka muujiyay In Shirkaasi uu noqon karo Mid uu ka soo boxo qodobo Mira dhal u ha umada iyo dalka Somalia isla markaana wax ka badali kara Dhibaatada haata taagan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen dadkaasi in ay miro dhal noqon karto isla markaan ay dhaqan gali karaan oo kaliya qodobada ka soo baxa shirkaasi hadii ay ciidamada Ethiopia ay joojoso Xasuuqa ay ka wado Dalka Gudihiisa isla markaana ay isaga Baxaan dalka Somalia Guud ahaantiisa.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadkasi ayaa qaba in hadii loo dhexeeyo garabyada isaga soo hor jeeda Siyaasada Somalia aysan wax ka soo bixi Karin Shirkaasi oo uu yahay mid la isku Daalinayo.

In kasatoo dadka ku nool magaalada Muqdisho ay aragtiyo kala duwan ay ka muujiyeen Shirka dhawan ka furmay Dalka Jabuti ayaan la ogeeyn waxa uu ku dhamaan doono iyo sida uu ku soo afmeermi karo shirkaasi maadaama ay soo baxayaan mucaaradad ku aadan shirkaasi oo ka soo yeeraya Qaar ka mid ah Kooxaha ka soo hor jeeda Dowlada Somalia.

Shirkani ayaa waxaa uu Noqday mid ay si weeyn u weerareen Qaar ka Mid ah Madaxda Wadamada Africa iyagoo ku sheegay in uu yahay Mid lagu wiiqayo Awooda Xoogaga ka soo hor jeeda Dowlada Somalia iyo ciidamada Ethiopia.

Shabelle Media Network.Somalia.

 
8am
1.30pm
7pm
Sat
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri