Banaan Bax Rabshado wata loogana Cabanayay Diidsta lacagaha Duuga ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.

Submitted by wararka on Wed, 05/14/2008 - 12:28.

Jowhar. 14. May .2008. (Sh.M.Network)- Dibaxbaxyo Rabshado Watay oo looga cabanayay Diidista lacagaha duuga ah ee la diidayo ayaa maanta ka dhacday magaalad Jowhar ee xarunta Gobolka Bay.

Dibadbaxani oo ahaa mid rabshado watay isla markaana ay soo agaasimeen shacabka ku nool magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ahaa mid ay kaga Cabanayeen diidista lacagaha Duuga ah iyo kuwa jeex jeexan ee ay diidayaan Ganacsatada magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Dadkani oo ahaa kuwo Careeysan ayaa waxaa ay socod dheer ku marayeen Wadooyinka waa weeyn iyo Suuqa Hanti wadaag ee magaalada Jowhar kuwaasi oo dhagxaan ku tuurayay Goobaha Ganacsiga ee Furan.

Ganacsatada Magaalada Jowhar ayaa bilaabay in ay xiraan Goobohooda Ganacsi iyagoo ka Cabsi qaba in ay waxyeelo ka soo gaarto kuwa dhigaya Dibadbaxyada rabshadaha Wata.

Goobaha ganacsiga ugu caansan ee magaalada Jowhar ayaa waxaa maanta lagu arkayay iyadoo ay ilaalo xoogan ka hayaan Rag aad u hubeeysan kuwasi oo Rasaas ridayay Marka Kooxaha Careeysay ay dhagxaanta ku soo ridaan xagooda.

Ma jirin Wax qasaare dhimasho ah oo ka dhashay dibadbaxaasi marka laga reebo burbur soo gaaray goobaha ganasiga ee magaalada Jowhar.

Haweeneey ka mid ah dadkii Isku Soo baxay ee ka cabanayay Diidista lacagaha lakala soocayay ayaa shabelle uga warantay in ay aad uga careeysan tahay kala sooca lagu hayo shilin Somaliga ka haray kunka oo kaliya kaasi oo ay sheegtay.

Ilaa iyo hada ma jiraan goobo Ganacsi oo ka furan Magaalada Jowhar kadib markii dadkani Careeysan ay bilaabeen in ay dhigaan Dibaxbaxayo Rabshado wata.

Ma’ahan markii ugu horeeysay ee ay ka dhacaan dibadbaxayo rabshado wata magaalada Jowhar oo looga soo hor jeedo kala sooca lagu hayo shilin Somaliga haasi oo dhoowr mar oo hore ay dhigeen dadka ku nool magaalada Jowhar.

Waxaa jiray Dhoowr mar oo ay dadku dhigeen isku soobax sidan oo kale ah tasi oo keentay in kulan ay isugu yimaadaan Ganacsatada Magalada Jowhar isla markaan ay go’aan ku gaareen in si aan kala soclaheeyn taasi oo markii danbe keentay in lagu guul dareeysto.

Arintani maanta ka dhacaday magaalada Jowhar ee dibadbaxyada Rabshadaha Wata ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili guud ahaan Gobolka Sh/dhexe uusan ka jirin wax maamul ah marka laga reebo ciidamo madani ah oo ka arimiya magaalada Jowhar kuwasi oo aan awood u laheeyn arimahani oo kale.

Shabelle Media Network.Somalia.

 
8am
1.30pm
7pm
Sat
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri