
Muqdisho. 13. May .2008. (Sh.M.Network)-Kooxo Hubeeysan ayaa Rasaas dhimasho Sababtay ooda uga qaaday Gaari Siday qaad Xili uu marayay Agaagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar Ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.
Hal ruux ayaa geeriyooday kadib markii is rasaaseeyn ay dhex martay kooxo Dableey ah iyo Kuwo kale oo ilaalo ka ahaa gaari siday qaad oo ka Soo Anbabaxay degmada Mahadaay kuna sii jeeday magaalada Jowhar.
Kooxo burcad ah oo tiradooda lagu sheegay in ay kor u dhaafayeen 10 ruux ayaa la sheegay in ay u galeen gaarigaasi agagaarka Garoonka Diyaaradaha eek u yaala Duleedka Magaalada Jowhar.
Rasaasta ayaa la shegay in markii horeba ay haleshay wadihii Gaarigaasi oo isla gaariga dushiisa ku naf waayay waxaana ay bilaabeen intii kale in ay iska caawiyaan koxaha Buracada ah.
Kooxdii burcada ahaa ayaa la sheegay in ay gaarigasi ka qaateen lacago fara badan oo uu u waday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Qaar ka mid ah darawalada Gaadidka is ticmaala inta u dhexeeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Jowhar ayaa sheegay in dhaca ay u geeystaan kooxaha Burcada ah ay uga daran tahay Rasaas aan loo meel dayin oo lagu soo furo gaarigoda taasi oo keenta dhimasho iyo dhaawac soo gaara dadka rayidka ah ee saran gawaaridaasi.
Ruuxa geeriyooday maanta ayaa waxaa u noqonayaa qofkii 3aad ee ku geeriyooda wadooyinka gala Gobolka Sh/dhexe isla markaana ay dilaan Kooxo Burcad hubeeysan ah oo wadada u gala.
Shabelle Media Network.Somalia.