Ciidamada Ethiopia oo Maanta Magaalada Baladweeyne ku Qab qabtay Culumaa’udiin Tabliiq ah Dibna u sii daayay iyo Ciidamadasi oo.

Submitted by wararka on Tue, 05/13/2008 - 12:35.

Baladweeyne. 13. May .2008. (Sh.M.Network)- Ciidamo Ethiopian ah ayaa maanta ku Xir Xiray Culumo Tabliiq ah Gudaha Magaalada Baldweeyne ee gobolka Hiiraan iyagoo markii Danbe iska sii daayay waxaana ay sidoo kale Ciidamada Ethiopianka ah ay Fariisimo ka Sameeysteen Xaruntii hore ee Gobolka Hiiraan.

Saaka ayaa Ciidamada Ethiopianka howlgal ay ka Sameeyeen Xaafada Xaawo Taako ee Magaalada Baladweeyne waxaa ay ku qab qabteen in ka Badan 14 ruux oo ka Mid ahaa Jameeco Tabliiq ah oo marayay Gudaha Magaalada Baladweeyn isla markaasina ay u kexeeysteen Fariisinka ay ciidamada Ethiopianka ku leeyihiin deegaanka Janta Kun dishe ee duleedka Magaalada Baladweeyne.

Saacado kadib oo ay Ciidamada Ethiopianka heeysteen Culimada Tabliiqa ayaa ay iska Sii daayeen kadib markii ay ku bexeen Wax garad iyo Salaadiin uu hor kacayay Ugaas Cabdiraxmaan ugaas Qaliif ay saraakiisha Ciidamada Ethiopianka ay ka Codsadeen in ay iska Sii daayaan maadama aysan wax lug ah ku leheeyn Arimaha ka Jira Gobolka Hiiraan.

Jameecada Tabliiqa ayaa markii la qabanayay waxaa ay ku sii jeeden Masjid ku yaala Xaafada Buundaweeyn ee magaalada Baladweeyne.

Dhanka kale Ciidamada Ethiopianka ayaa fariisin Cusub ka Sameeysatay Gudaha Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Fariisinkani Cusub ee ay Ciidamada Ethiopianka ka Sameeysteen Xarunta Gobolka Hiiraan ee magaalada Baldweeyn ayaan la ogeeyn Sababaha keenay waloow la arkayay Ciidamo Ethiopian ah oo wata Qalab kala duwan oo Milateri kuwasi oo ku sugan xarunta gobolka Hiiran waxana ay dhufeeysyo ka Qoteen hareeraha Xarunta Gobolka Hiiraan oo ku Taal Bartamaha Magaalada Baladweeyn.

Ciidamada Ethiopianka ka Sameeysteen ee Fariisinkani Cusub Xarunta Gobolka Hiiraan ee magaalada Baldweeyn ayaa waxaa ay wal wal iyo cabsi ku beertay Dadka ku nool Xaafadaha Lama Galaay iyo Kooshin oo ku yaala nawaaxiga xarunta Gobolka Hiiraan kuwaasi oo xiligan Qarka u saran in ay isaga Barakacaan Guryaha ay degen yihiin.

Maalmihii ugu Dabeeyay ayaa waxaa ay ciidamada Ethiopianka ahaayeen kuwa galaya kana Baxaya Magaalada Baladweeyn basle waxaa ay iminka u muuqdaan in ay yihiin kuwo Ku nagaan raba maadaama ay iminka Fariisin Cusub ka Sameeysanayaan Xaruma Dowlada ee Baladweeyne.

Shabelle Media Network.Somalia.

 
8am
1.30pm
7pm
Sat
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri