
Shabelle London: 13 May 2008.Amnesty International ayaa waxay maanta cambaareysay hanjabaadihii dhowaantan ka soo yeeray Mukhtaar Roobow Abu mansur oo ah hoggaamiya ka tirsan ururka Alshabaab ahna afhayeenka ururkaasi, ee ku aadanaa shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya.
Al-Shabab waa koox hubeysan oo mar ka tirsaneed midowga maxaakiimta, waxayna si weyn ugu soo horjeedaan dowladda ku meel gaarka iyo ciidamadda Itoobiyaanka ee jooga dalka.
Maalintii Khamiista ee 8-dii Bishan May 2008, ayuu Muqtar Robow mar uu la hadlay saxaafadda gudaha waxuu ku goodiyay in urukooda ay dili doonaan muwaaidniinta Mareykanka ee ay ku arkaan gudaha Soomaaliya xitaa haddii ay yihiin weriyayaal ama shaqaale gargaar.
Hanjabaada Abu mansur ayaa soo baxday maalin ka dib markii darwal u shaqeynayay Barnaamijka cunada adduunka ee WFP ay kooxo maleeshiyooyin ah ay ku toogteen jidgooyo 30 kiilo mitir dhinaca waqooyiga ka taalla magaaladda Gaalkacyo, waxuuna ahaa darawalkaasi kii labaad ee u shaqeynayay WFP ee isla sannadkan gudihiisa lagu dilo Soomaaliya hase yeeshee maleeshiyooyinka dilkani geystay ayaa la rumeysanyahay in aysan wax xiriir ah la laheyn ururka Alshabaab.
Hay'ad Q.M u saadaalisa cuntadda oo qeyb ka tirsan ay ka howl galaan Soomaaliya ayaa ka digtay in keydadka xaaladda bina'aadanimo ee Soomaaliya uu ka sii darayo iyada oo hay'adda ay sheegtay abaaro iyo sicir bararka cuntadda oo is kaashaday oo ay wehlinayaan ammaan daro iyo dagaal ay horseedeen in dad ka badan labo milyan iyo bar qof ay u baahdaan gargaar bina'aadnimo oo deg deg ah.
"Dagaal walba oo jira. lama heli karo cudur daar lagu weeraro shaqaalaha gargaarka dalkay doonaan ha u dhasheynee" ayay Amnesty ku tiri warsaxaafadeedkeeda ay soo saartay maanta.
Waxay hay'adda ugu baaqday kooxha hubeysan ee isku haya dalka in ay joojiyaan weeraradda lagu hayo shacabka ee ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka, ayna sidoo kale damaanad qaadaan in la ixtiraamo dhexdhexaadnimadda shaqaalaha gargaarka iyo in aysan aheyn dagaal ku jira.
Kooxaha hubeysan ee caqabadda ku ah marinka howlaha gargaarka gaar ahaan xilligan adag ee Soomaaliya waxay sii kordhinayaan halista macaluul ku dhufata dadka Soomaaliyeed. Haddii ay sii socdaan hanjabaadaha iyo weeraradana, natiijadda waxay noqon doontaa masiibo, ayay Amnesty ku sheegtay warsaxaafadeedka.
Hanjabaada uruka Alshabaab ayaa timid ka dib markii 1-dii bishan Mareykanka uu ku dilay 11 ruux duqeyn uu u geystay magaaladda Dhuusomareeb, waxaana dadka halkaasi ku dhintay ku jiray Adan Xaashi Ceyrow oo ahaa hoggaamiye ka tirsan ururka Alshabaab.
Shabelle Media Network.