
Muqdisho. 13. May .2008. (Sh.M.Network)-In ka badan 50 Qofood oo isugu jira caruur iyo dad waaweeyn oo uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay la dhigay Cusbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Dadkani oo intooda badan laga keenay goobaha Loo Bara kacay ee duleedka magaalada Muqdisho iyo gudaha Magaalada ayaa waxaa ku dhawaad 30 ka mid ah 50 ruux ee uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka ay si daran ula liitaan Cudurka Shuban Biyoodka halka inta kale ay yihiin Kuwo u baahan Baxnaano iyo Adeeg Caafimaad.
Mid ka Mid ah Bukaanada uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka ayaa habeenkii xalay ahaa ugu geeriyooday Gudaha Cusbitaalka xili tiro caruur ahna ay iminka la liitaan Cudurka Shuban Biyoodka ah iyadoo Daqiiqd kasta la geeynayo tiro Dad ah oo isugu Jira Caruur iyo dad da’ah oo uu soo ridanayo Cudurka Shuban Biyoodka.
Agaasime Xigeenka Cusbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir Max’ed Ciise oo shabelle u waramayay ayaa sheegay in dadkaasi uu soo ridanayo Cudurka Shuban Biyoodka ay ka Cusbitaal ahaan wax u qabanayaan inta karaan kooda ah balse aysan wax taakulo Daawo iyo Mid Caafimaad aysan ka heeysan Hay’adaha Gargaarka Bixiya.
Sidoo kale Max’ed Ciise Agaasime Xigeenka Ayaa intaa ku daray in Xaalada Cusbitaalka ay Aad u liidato gaar ahaan Qeeybta Cudurka Shuban Biyoodka isla markaana waxaa uu daboolka Ka Qaaday in wax hay’ad ah aysan Taageerin Guud ahaan Cusbitaalka Banaadir.
Waaxaa uu Agaasime Xigeenka Cusbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir Max’ed Ciise ka Codsaday Shacabka Somalied hadii ay haan lahaayeen kuwa gudaha Ku nool ama Dalka Dibadiisa in ay la soo gaaraan Cusbitaalka Gar gaar Caafimaad maadaama Saacad Waliba uu isa Soo Tarayo kiisaska Dadka uu Soo ridanayo Cudurka Shuban Biyoodka.
Xiligan oo kale marka la gaaro kala guurka Kuleeylaha iyo Roobabka ayaa waxaa inta Badan Dalka Somalia ka Dilaaca Cudurka Shuban Biyoodka Kaasi oo Sababa in Ay u geeriyoodaan Caruur Fara Badan.
Shabelle Media Network.Somalia.