Submitted by admin on Sun, 04/06/2008 - 23:40.
Dugsiga
Hoyga Xamar

Waa hoyga aqoonta
 
 
 
HAMAR
BOARDING AND

KINDERGARTEN SCHOOL

DUGSIGA HOYGA & XANAANADA CARUURTA XAMAR

Tel. 858396,227337,930777, Fax. 215236 Mogadishu – Somalia

E-mail.hamarschool@globalsom.com

SHURUUDAHA SOO GALITAANKA HOYGA

Maamulka Dugsiga Hoyga Xamar wuxuu ugu bishaareynayaa Waalidiinta ubadkooda
la jecel waxbarashada inuu qabanayo Wiilal kaliya Qeybta Collegka.

ADEEGA
DUGGSIGA UU BIXINAAYO (THE SERVICE TO BE OFFERED):

C/raxmaan
Dhageey, Maamulaha Dugsiga Hogya Xamar
E-mail:-
dhageey7@hotmail.com

1) Wax Barasho
tayeysan min Dugsiga hoose ilaa Dugsi sare iyadoo luqada ardayda wax lagu
barayo ay tahay ENGLISH maadooyinka oo dhan marka laga reebo Carabiga
iyo Tarbiyada Islaamiga iyo Af Soomaali.

2) Barashada iyo xifdinta Qur’aanka kariimka ah iyo tarbiyada Islaamiga
ah.

3) Toosinta asluubta iyo dhaqanka suuban oo ku saleysan diinta Islaamka.

4) Qeybta jiifka ardadu waxey ka helayaan Jiif iyo cunto sedexda waqti.

5) Daaweynta cudurada sahlan iyo dhaawacyada fudud (essentials,light casualties
drugs).

SHURUUDAHA
LAGA DOONAYO ARDAYGA CUSUB OO LOO QAADANAYO QEYBTA COLLEGKA WAA:

1) Waa in
da’diisa ay u dhaxeysaa todobo ilaa afar iyo tobansano (7-14 sanno).

2) Waa in caafimaadkiisa taam yahay kana fiyow yahay cudurada faafa iyo
kuwa dhimirka.

3) Waa in dhaqankiisu suubanyahay uusanna lahayn wax balwad ah oo xun.

4) Waa in la helaa waalidka ama cid u dhiganta oo mas’uul ka ah.

5) Ardayga cusub waxaa laga qaadayaa imtixaan qiimeyn ah iyadoo la tixgelindoona
ardaygii shahaada wata (PLACEMENT TEST AND CERTIFICATE EVALUATION).

6) Qarashka Collegka bishii waa Affartan dollar ($40) waxaana lasoo hor
marinayaa sedax bilood (3 bilood).

7) Waalidku wuxuu kaloo bixinayaa dharka Dugsiga lagu dhiganayo (Uniform),
Bugaagta, Qalimaanta iyo daawada.

8) Arday kasta waa inuu la yimaadaa santuuq u gaar ah si uu ku xafito
alaabtiisa muhiimka ah.

9) Ardaygu waa inuu keenaa laba sawir oo kuwa teesaraha ah.

10) Ardayda Collegka labadii asbuuc mar ayaa loo fasaxayaa reerahooda
ama sida waalidka codsado.

11) Haddii qarashka ardayga uu dhamaado muddadiisa (Fee), ardaygu wuxuu
waxbarshadiisa sii wadan karaa sedex maalmood oo kaliya.

12) Waalidka waa inuu soo kormeeraa si joogta ah Dugsiga si uu ula socdo
xaalada caafimaad iyo waxbarasho ee ardeygiisa.

13) Wixii qalab ah ee ardaygu ula kac u jabiyo waxaa dayactiraya waalidka.

14) Ardaygii sameeya anshax xumo:

a) Waa la waaninayaa b) Waa la canaanayayaa

c) Waa loo digayaa d) Waalidkaa loo yeerayaa

e) Waa la Ciqaabayaa f) Waxaa lagu Xirayaa Xabsiga Dugsiga.

g)Waa la eryayaa si abad ah.



Eeg Bogga Labaad

N.B.

Ø Ardayga Hoyga ah Looma Ogola In uu Noqdo Day ama Maalinle(Ardeyda
Guryaha ka

Yimada una hoyda).

Ø
Ardaygii Ardigaago Jooga Hoyga mudo (3) maalmood ah wax lacag loo celinayo
malaha.

Ø
Haddii waalidku go’aansado in uu Ardaygiisa ka reebo Dugsiga waa
in uu Maamulka la soo socodsiiyaa in loo joojiyo kharashka cuntadiisa,
haddii waalidkii soo gudbin waayo kharash kaas wuu ku sii soconaayaa.



HOWLMAALMEEDKA ARDAYDA HOYGA AH

ü Labada
Gelin ee Maalintii galin ka mid ah waxa uu dhiganayaa Iskuulka kan kalena
Dugsi Quraan iyo Tarbiyo Islaamiya. Marka laga bilaabo maalmaha Sabtiga
ilaa iyo Arbaco

ü Maalinta Khamiista Gelinka hore Tarbiyo Islaami, gelinka dambe
ciyaaro

ü Maalinta jimcaha nasasho

ü Habeenada Axada, Isniin iyo Talaado waxay leeyihiin wax aqris galas
ayadoo ay la joogaan Macalimiintii caawini laheyd.

ü Habeenka Arbacada iyo Sabtiga waxay leeyihiin Tafsiir Quraanka
kariimka ah.

ü Habeenka Khamiista waxay leeyihiin Axaadiista Nabiga (S.W.S.C)


ü Habeenka jimcaha Madadaalo

WAQTIYADA
SALAADA

Ilmaha Hoyga waxaa waajib ku ah in ay salaada ku tukadaan Masaajidka salaad
walba waqtigeeda

Ø 4: 45 A.M. 5: 15 A.M. Ukacid Salaada Subax

Ø 12: 15 P.M. 12: 45 P.M. Salaada Duhur

Ø 3: 15 P.M. 3: 45 P.M. Salaada Casir

Ø 6: 00 P.M. 6: 30 P.M. Salaada Maqrib

Ø 7: 45 P.M. 8: 15 P.M. Salaada Cishaha

SAACADAHA
WAXBARASHADA FASALKA

Gelinka Hore 7: 15 A.M. 12: 15 P.M.

Galinka Dambe 1: 30 P.M. 5: 15 P.M.

SAACADAHA
WAXBARASHA DUGSI QURAANKA

Galinka hore

· Dugsi Quraan 6:00 A.M. 7: 30 A.M.

· Quraac 7:30 A.M. 8:00 A.M.

· Dugsi Quraan 8: 00 A.M. 11:30 A.M.

· Diyaar Garow 11:30 A.M. 12:15 P.M.

· Salaad iyo Qado 12:15 P.M. 1:15 P.M.

GALINKA DAMBE
DUGSI QURAANKA.

· Salaad iyo Qado 12: 15 P.M. 1:30 P.M.

· Nasasho 1: 30 P.M. 3:15 P.M.

· Salaada Casir 3: 15 P.M. 3: 45 P.M

· Dugsiga Quraan 3: 45 P.M. 5:15 P.M



Maamulka Dugsiga Hoyga & Xananada Xamar


 
8am
1.30pm
7pm
Sat
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri