SHABELLE
1-da LUULYO, MAALINTII SHABEELLE AY XURIYADEEDII QAADATAY!!! …

Stockholm: (Sh. M. Network) – (Qalinka Abukar Albadri):-Kowdii Luulyo ee 2008-dii ayaan qoray qormo aan ugu magac daray XURNIMOY OOY! Oo aan kaga hadlayey maalintan aan xuriyadeena ka qaadanay gumeystihii Talyaaniga iyo kii Ingiriiskaba.

Qoraalkaasi waxaan kaga hadlayey inuusan dalka Soomaaliya weli xur aheyn. Runtey bey aheyd oo waxaa dalka heystay gumeyste kii ugu foosha xumaa oo ah amxaaro injireey. Waagaas waxaa damiirkeyga gilgilay kaddib markii raggii dalka keenay amxaarada ay shacabka ugu hambalyeeyeen xurnimadoodii.

Markii ay amxaaradu ka baxeysay dalka horraantii 2009, habeen dhan ayaan soo jeeday oo ay riyo ila aheyd inay baxayaan, markii ay baxeenna farxadda darteed ayaan la ilmeeyey oo waxaan moodayey inaan joogo maalin la mid ah maalintii ay Soomaaliya iska saartay Talyaani.

Xurnimadii aan u ilmeynayey ma hayo weli oo waa anigan qaxootiga ah. Welina u baahan inaan arko maalin aan heysto xurnimo buuxda.

Amxaaro way huleeshay. Maadaama aan ka mid ahay saxafiyiinta kuwooda ugu xog ogaalsan waan fahmi karay sababta amxaaro ku qasabtay inay iyadoo dulleysan oo aad uga shalayneysa qabasashadii Muqdisho uga huleeshay dalka.

Farxadii aan la soo jeeday habeeno, yididiiladeydii iyo hankii shacabkaba waxay wada dhumeen markii kooxihii aan is laheyn waa Muslimiin Mujaahidiin ah oo shareecada ku dhameysaneysa xurguftooda ay Kitaabkii intay qoriga taako uga dhigteen ku xalaashadeen dhiigoodii iyo kii shacabka.

Taariikhdii baa dib isu qortay isuna faaqidday. Waddadii ay faleen dagaal oogayaashii arxan laawayaasha ahaa ayaa waxaa markoodii qaaday ragga ummadda ku baraarujiyey jihaadka ee mooryaan diimeeda ay hor boodayaan tuugo garreyda.

Dagaal oogayaashu waxay adeegsan jireen qabiil. Way ka xishoon jireen inay kitaabka Alle u adeegsadaan hawshoodii mooryaanimada ahayd. Way is ogaayeen inay yihiin dad xun xun oo dembiilayaal ah. Laakiin rag iyaga la soo shaqeeyey baa waxaa isaga qasmay Kitaabkii Alle iyo mooryaanimada ee ku dhisneyd amar ku taagleynta.

Qorigii baa wuxuu noqday Garsoore samaawi ah. Kan sitaana wuxuu isu qaatay wakiil samaawi ah. Taasi waxay keentay inay dhacaan qaladaad taariikhi ahi oo ummadda sharafkeedii iyo cirdigeedii loogu xadgudbay si uusan ugu xadgudbin xitaa gumeystihii laga soo bilaabo Talyaani, Ingiriis illaa amxaaro.

Qaladaadka la galay waxaa ka mid ah: in calankii Soomaaliya la dejiyey, lagu tilmaamay faasid, laguna bedelay calan kale. Inay ragga wakiilada samaawiga ah isu arka ee hubka wata ay si buuxda ugu dhawaaqeen inaysan u dagaalameyn inay Soomaaliya cadow ka xureeyaan.

Waxaa la faagay qabuuro ay ku aasan yihiin rag culumo ah oo bulshada ixtiraam diimeed aad u weyn u heysay, taariikh ahaanna aad muhiim ugu ahaa maadaama qabuurahooda ay ka mid ahaayeen meelaha laga cilmi baari karo taariikhada ummadda marka deganaansho la helo.

Ummaddii waxaa ugu dambeyn la geliyey nolol ciriiri ah oo ku jirta xaalad jahwareer ah oo aan meesha ay u dhamaaneysaana aan la saadaalin karin. Aqoon yahankii iyo qof walba oo dareen wadaniyadeed iyo mid shaqsiyadeed lagu tuhmaayey waxaa laga dhigay mid la baqa geliyey oo cararay iyo mid la dilay. Tani waxay awood ay ku tagri falaan siisay inta wax disha ee kaddibna kitaabka u niyeysta dhiigga ay galeen.

Intani oo dhami yaab ma aheyn. Wax aan marna la filaneyn ayaa soo baxay. Masuuliyiinta ururdiimeedyadan sita qoryaha samaawiga ah waxay bilaabeen inay ku kacaan wixii ay maagaanba.

Arrintaas waxaa ugu dambeeyey masuul ka tirsan ururka Xisbul Islaam, Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo ku dhawaaqay inaan la xusi karin maalinta kowda Luulyo oo la og yahay qiimaha ay ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ugu fadhido.

Waa maalin ay iska dulqaadeen gaalo gumeysi doon ah oo ka soo duushay Yurub oo dadkii la dagaalamayna ay hor kacayeen culumo Soomaaliyeed oo caan ah oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Barsane iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

Macalin Xaashi kuma ekeysan inaan la xusi karine wuxuu ku hanjabay in idaacadii tebisana ay talaab aarsi ah ka qaadi doonaan. Hadalkiisa wuxuu u ekaa mid uu isugu muujinayo inuu yahay hogaamiye Islaami ah, laakiin la talinta inay ka yara mala habowday ayuu u muuqday.

Macalin Xaashi wuxuu idaacadaha horey uga joojiyey inay wax hees ah shidaan, inay musik ku furaan warkooda iyo inay xayeysiinta ku daraan music-ga ay taleefoonada ku soo dhacaan.

Go’aankiisaasi wuxuu weriyeyaasha geliyey ciriiri daran. Saxaafadiina wuxuu u horseeday cabsi iyo welwel daran oo ay ka baqayaan inuu qof walba wuxuu doono faro.

Dhibaatada ay weriyeyaasha kala kulmeen joojintaasi heesaha waxaa ka mid aheyd in codkoodii iyo sida ay u dhawaaqayaan ka koontoroolo, ilaa weriyeyaasha qaarkood inta xaruntoodii loogu tagay la yiri “Warka marka aad aqrineysaan codka waad qurxisaan, Gabdhaha ayaa codkaaga qurxoon ku fidnoobaayo ee war ma aqrin kartaan” sidaasna loogu qasbay inay shaqadoodii ka tagaan.

Go’aankan dambe ee Macalin Xaashi wuxuu u muuqday mid uu ku qancinaayey Masuuliyiinta Xarakada Shabaab al Mujaahidiin, si uu isugu muujiyo inuu yahay hogaamiye Islaami ah oo fidnada suulinaya, laakiin Shabaab markii ay arkeen ceebta uu dhax fadhiyo way ka aamuseen dhankooda.

Sidoo kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxay sheegeen in 1-da Luulyo xuskeeda uu yahay wax aan diinta ka hor imaaneyn oo ummadda u furan inay xusaan. Sheekh Nuur Baaruud wuxuuna ka qeyb galay xuskii maalintaasi loogu sameeyey dalka Suudaan magaalada Al-Khartuum.

Intaas oo dhami ma aheyn GOOL-kii dhashay. Goolka dahabiga ahaa ee maalintaasi dhashay ayaa wuxuu ahaa kaddib markii idaacadda Shabeelle ay xurnimadeedii ka qaadatay Macalin Xaashi maalinta 1-da Luulyo iyadoo go’aankiisii hore iyo kiisii dambe intaba mar qura u wada laaday sidii ay Shacabka Soomaaliyeed ay gumeystaha dalka uga laadeen oo kale.

Raggu kala geesisane waxaa dabley aan warkooda haamooyee aan maya loogu dhici jirin “MAYA” oo far waaweyn ah yiri Abwaan Cismaan C/Laahi Guure oo ay shacabka Soomaaliyeed aad ugu xasuustaan kaalintiisii la dagaalanka gumeystihii madoobaa ee amxaarada, iyo u istaagiddii isaga iyo saaxiibkiis Abshir Bacaadle ay u istaageen daryeelka iyo u gurmashada maatida ay dayaceen dableydan samaawiga ah.

Abwaan Guure waxaa lagu xasuustaa Gabaygii MURUGO oo uu ka tiriyey xasuuqii gumeystaha Amxaarada ka geystay Soomaalia, iyadoo ay dad badani maskaxdooda ku dejin jireen xilligii murugadu ugu darneyn ee xabashidu xasuuqa ka geysaneyneysay Soomaaliya.

Lama filaan ayey Shacabka iyo Macalin Xaashiba ku noqotay warka geesinimo ee Abwaan Guure uu siiyey idaacadda uu madaxda ka yahay ee Shabeelle iyo Raadiyo Muqdishow. mar qura ayuu idaacadda ka yiri, “Ammarada Macalin Xaashi way dhaafeen xad la fulin karro, mar haddii aanan diyaar u aheyn inaan fulino amarkiisan, kiisi horena waan ka laabanay”, kaddibna ay isqabsadeen diryanka heesaha wadaniga ah, hambalyooyinka shacabku soo dirayaan iyo mashxarada.

Waxaa mar qura la wada yiri, “Shabeelle waa xuroowday” waa yaabe yey ka xurowday? Waxay ka xurowday Macalin Xaashi.

Dadkii dhan oo markii hore uu wadnuhu la gariiray amarkii Macalin Xaashi ee xarrimaada xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa oodintii ka siibantay markii ay Shabeelle qaaday talaabta geesinimo iyo Abwaan Guure uu noqday ninkii ugu horeeyey ee MAYA yiri Mooryaanta samaawiga ah.

Soomaalidii oo dhami meel walba oo ay dunida ka joogaanna waxay ku wada dhaqaaqeen inay 1-da Luulyo u xusaan si aysan weligood u xusin oo ay ku qaaday qiirada ay kaga jawaabayeen amarkii qoonsimaadka lahaa ee Macalin Xaashi. Dhamaan website-yada iyo TV-yada Soomaalidana waxaa hareeyey xaflado lagu xardhay calanka Soomaaliya, taas oo muujineysa sida ay ummadda ula duuban tahay difaacashada sharafkeeda.

Waxaa laga yaabaa inay dadka qaar is yiraahdaan Albadri wuxuu u riyaaqayaa Heesaha. Xaqiiqatan hees uma riyaaqsani. Laakiin Macalinka soo saaray amarka uu ummadda kaga mamnuucayo xuska maalinta xurriyadeeda iyo xisbiga uu madaxda u yahay waxay canshuur ka qaadaan JAADKA oo ah fisqi malyuumaad jeer ka weyn heesaha iyo dukaamada lagu iibiyo sigaarka. Xusku waa iska xasuusashee warkii daa.

Ma qaadka ayaa xalaal ah oo xuskaa xaaraan ah. Ma qaadka ayaan aheyn caws ay Kenya oo cadowga Soomaaliyeed kuwa ugu waaweyn ka mid ah ku dhacdo dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed. Ma qaadka ayaan aheyn fisqiga ugu xun ee maanta Soomaaliya ka jira marka laga reebo xasuuqa shacabka.

Ma qaadka ayaan aheyn midka habeen walba horseeda inay iska zineystaan kumanaan qayishay oo rag iyo dumarba leh. Ma qaadka ayaan aheyn ka dhalinyarada ku qasba inay isbaaro dhigtaan. Ma qaadkaan aheyn kan xumaan oo dhan horsed. Caafimaad darro, nadaafad darro, iyo amni darrana wata.

Nin qaad canshuur ka qaatay ama ogolaaday in lagu iibiyo ama lagu cuno meesha uu maamulo dadka uma diidi karo hees. Labada fisqi ama waa in la wada suuliyaa, ama ka daran la hor suuliyaa. Waayo Jaadku malyuumaad jeer ayuu ka fidno badan yahay heesaha iyo munaasabad la xuso.

Macalin Xaashiyoow haddii aad Allaah ka baqeyso go’aanadaana yeysan ahaan kuwo aad isku tustuseyo dad kale, Allaah dartiis u sameey. Kana biloow inaad jaadka joojisaan idinkoo aan dadka dileyn oo ka waaninaya ama shuruudaha ku adkeynaya si ay dadku u dhaafaan. Ogowna aakaha samaawi ma ahan illeen RUUSH AYAA SAMEEYEE.

Waxaan ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey sanadguurada 50-aad ee maalinta xurnimada Soomaaliya. Waxaa iigu yaab badnaa inay dadku ku dhawaaqayeen “Maanta waa maalintii aan gumeystayaasha ka qaadanay xurnimadeenii, waxaana wax xurnimadoodii qaatay oo ugu dambeeyey Raadiyo Shabelle” waxayna ammaan gaar ah dadku u hayeen Abwaan Guure.

Waxaan sugnaaba waa maalinta ay shacabka Muqdisho ka xuroobaan Jihaadka iyaga u gaarka ah, dowlada KMG-ka ah ka xuroowdo beesha Caalamka, Suuqa bakaaraha ka xuroobo duqeynta AMISOM, culumada ka xuroobaan wiilasha ay hubka u dhiibeen, dadka oo dhamina ka xuroobaan kalmadda MURTAD.


Wixii dhaliila ah … This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Booliska Turkiga oo xabsiga dhigay 60 ru

News image

Ankara: (Sh. M. Network) Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ciidamada booliska dalkaas ay qabteen 62 qof oo ay ku jireen  Soomali socoto ahaa kuwaas oo kusii jeeday dalk...

Xildhibaano kamid ah Puntland oo ka soo

News image

Garoowe: (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah Mudanayaasha Barlamanka Puntland ayaa ka soo ansixinta Maxkamada la saaro dadka ku eedeysan argagixisanimada, iyadoo go’aanka ugu dambeeyana ay gaarayaan Maalinta Beri ah....

Xildhibaano ku baaqay in mar kale Xukuum

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta ku baaqay in mar kale xukuumada kMG Soomaaliya la horkeeno Barlamanka si codka Kalsoonida ay u weydiisato mudanayaasha Barl...

Mamul loo sameynayo Mudug.

News image

Xarardheere: (Sh. M. Network-12-05-2010) Ururka Xisbul Islaam ayaa Maanta sheegay in ay Maamul u sameyn doonaan Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug oo dhawaan ay la wareegeen ciidamo ka tirs...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Odayaasha Hawiye oo xibul Islaam ugu baa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay Ururka xisbul Islaam in ay gacanta ku soo dhigaan  kooxihii shalay dilka u geystay gudoomiyihii samadoonka Soomaaliyeed Alla...

Wasiir ka tirsan Xukuumada KMG oo Madaxd

News image

Sanca (Sh. M. Network) Wasiirka Daryeelka Naafada iyo dhaqan celinta oo haatan booqasho ku jooga dalka Yemen ayaa si weyn u dhaliilay hogaanka ugu sareeya ee Xukuumada iyo guud ahaan dowl...

Dhaawacyada ku dhawaad 40 ruux oo la dhi

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  In ka badan 39 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa shalay galinkii dambe, Xalay ilaa saakay waxaa la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana da...

Maamulka Ahlu Sunna ee Caabudwaaq oo xir

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Caabudwaaq ayaa Saakay albaabada isugu dhiftay inta badan shirkadihii Xawaaladaha iyo kuwa isgaarsiinta ee ka jiray degm...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Xildhibaano ka soo horjeestay in la isku

News image

Muqdisho :(Sh.M.Network) Mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya oo maanta kulan Magaalada Muqdisho kula qaatay Pro. Max’ed Cumar Dalxa ayaa wax qaldan oo aan dastuurka ku jirin ku tilmaamay in l...

Dad guryahooda uga cararay roobab xoogan

News image

Dhuusamareeb: (Sh. M. Network-10-05-2010)–Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa dhibaato xoogleh oo dhinaca nolosha ay la soo daristay kadib markii roobab lixaadleh ay ...

Qarax maanta ka dhacay degmada Waabari

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Qarax miino oo aad u xoogan ayaa Maanta Barqadii  waxaa uu ka dhacay agagaarka Saldhiga degmada Waabari ee goboka Banaadir kaasi oo la sheegay in lala eegt...

Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaaw

News image

Farsooley: (Sh. M. Network)  Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay galinkii dambe waxaa uu ka dhacay deegaanka Farsooley ee gobolka Sh/hoose, iyadoo dadkii dhaawacmayna loo qaaday isbitaalka Maga...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Maxkamada Boosaaso oo dil toogasho ku xa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maxakamada Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku ridey nin horay qof kale dil ugu geystay, iyadoo dhinaca kala...

Ciidamo ka tirsan dowlada iyo Ahlu Sunna

News image

Doolow: (Sh. M. Network)  Ciidamo ka tirsan doladda KMG iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa tababar waxa loogu soo gaba gabeeyay Degmada Doolow ee gobolka Gedo iyadoo la sheegay in Ciid...

Wasiir baaq jeediyay.

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network-15-05-2010) Wasiirka Ganacsiga ee dowladda KMG Soomaaliya C/rashiid Maxamed Ciro oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiligan aan loo baahneyn in dadka ka ...

Dalka Faransiiska oo maxkamad lagu soo t

News image

Nice: (Sh. M. Network) Ilaa Lix nin oo Soomaali ah islamarkaana lagu eedeeyay inay yihiin rag burcad badeed Soomaali ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taala dalka Faransiiska kadib mark...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT