|
Dagaal la is riiriixay oo galabta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaani oo ay bar bar socdeen madaafiic culus ayaa galabta ka qarxay degmada Shibis ee gobolka Banaadir halkaasi oo dhawaan qeybo ka mid ah ay la wareegeen Ciidamada xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab, waxaana dagaalku uu bilowday sida la sheegay markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay weerar ku soo qaadeen fariisinkii halkaasin ay ku lahaayeen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana goobaha ay lagu dagaalamayay laga maqlayay dhawaqa hubka cul culus iyo madaafcii farabadan, waxaana ay intaasi ku dareen in labada dhinac ee dagaalamayay marba qolo la riix riixayay walow markii dambe Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay dib ugu soo laabteen Fariisimahoodii. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 4 qof iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale oo uu ku jiro wariye ka tirsan Idaacada Banaadir laguna magacaaboa Xasan Laki kaasi oo la sheegay in dhaawaciisu uu yahay mid fudud. Dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in ay arkayeen Taangiyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo ay ka bar bar dagaalamayaan ciidamada AMISOM oo lug ku socday iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxaana dagaalka Maanta uu saameeyey degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, C/casiis, Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage Sheekh Cali dheere oo bahda warbaahinta qadka taleefanka ugu waramayay ayaa sheegay in galabta weerar lagu soo qaaday fariisin ciidamadoodu ay ku lahaayeen degmada Shibis ee gobolka Banaadir isagoo intaasi ku daray in ay iska caabiyaal islamarkaana ay qasaare u geysteen. Majiro dhinaca kale wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda kMG ee Soomaaliya oo ku aadan dagaalka galabka ay ku qaadeen fariisinka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay ku leeyihiin degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Dagaalkii galabta ayaa waxa uu daba socdaa dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isku heysteen Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garabsanaya ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |
















