SHABELLE
 

 

Ciidamada Al Shabaab oo loogu baaqay duulaan ay ku qaadaan Madaxtooyada.

Muqdisho: (Sh.M.Network) Wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa ugu baaqday ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab inay isku diyaariyaan dagaal ay kula wareegayaan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ah waaliga wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Maanta saxaafada kula hadlayay agagaarka hogaansii hore ee nabad sugida ee waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ugu baaqayo dhamaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab in ay isku diyaariyaan weerar ay ku qaadaan Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo haatan ah goobta ay ku suganyihiin madaxda ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya.

Waaliga Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab maalmihii la soo dhaafay weeraro ay ku qabsadeen fariisimo cusub ee ay horayu ugu sugnaayeen ciidamada dowlada, isagoo carabka ku dhiftay in weeraradaasi weerarka xigana uu yahay mid ay ku qaadayaan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyo goobaha kale ee ay ku suganyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale waaliga Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadoodu ay ku sunaayeen markii hore nawaaxiga hoteel golobal haatana ay ku suganyihiin deegaano kale oo ka fog fog oo ay kala wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya kuwaasi oo maanta saxaafada reer Muqdisho ay geeyeen.

“Laga soo bilaabo hotel golobal iyo dhulka hogaankii nabad sugida oo hadda dadku ay u yaqaan guriga habar Qadiijo ilaahey waxaa uu ku soo celiyay gacanta muslimiinta waxaana la wareegay mujaahidiinta” ayuu yiri Sheekh Cali Max’ed Xuseen.

Waaliga wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Max’ed Xuseen ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id waxaa uu uga hadlay dayactirka Maamulka Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay ka wadaan  qeybo ka mid ah wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho kaasi oo uu sheegay in haatan meel wanaagsan uu marayo.

Ugu dambeyntii ayaa xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab waxa ay maanta saxaafada ku soo wareejiyaan fariisimo dhowr ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kula wareegeen dagaaladii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

QM oo ugu baaqday dowladda in ay waxa k

News image

Nairobi: (Sh. M. Network) Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa waxaa ay ugu baaqday dowladda KMG ee Soomaaliya in ay wax ka qabato xaalada wadanka Soomaliya oo mudooyinkii u dambeeyay ay ka d...

Qasaaraha ka dhasahy dagaalo ka dahcay C

News image

Bacadweyne: (Sh. M. Network) Waxaa sii kordhey Qasaaraha ka dhashay dagaal beeleed shalay deegaanada Bacadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug ku dhexmaray labo beelood oo walaalo ah,iyadoo Odayaasha kasoo jeeda laba...

Dowladda Ingiriiska oo cambaareysay tala

News image

Nairobi: (Sh. M. Network) Dowladda Wadanka Ingiriiska ayaa si kulul u cambaareysay falkii Xarakada Al Shabaab ay kula wareegeen Idaacadii Qur’aanka Kariimka (IQK) ee Magaalada Muqdisho taasoo dowladu ay sheegtay inay...

Madaxweyne Riyaale “ Xilka si Xarako leh

News image

Hargeysa: (Sh. M. Network)  Madaxweynihii looga adkaaday doorashadii Madaxtinimada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa markii ugu horeysay Shaaca ka qaaday in uu ugolaaday natiijadii doorashooyinka Somaliland isagoo sheegay in xilka uu w...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Qarax qasaare geystay oo Xalay ka dhacay

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Qarax nuuca dhulka lagu aaso ayaa xalay saqdii dhexe waxaa uu ka dhacay Buuntada labaad ee degmada Waabri ee gobolka BAnaadir iyadoo qaraxaasi uu faah faahin ka b...

Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo isk

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Iska horimaad hakad galiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee qeybo ka mid ah wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho waxaa uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowl...

Olalihii doorashoyinka Somaliland oo dha

News image

Hargaysa: (Sh.M.Network) Olalihii doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa soo gabagaboobay maalinti shalay oo ku beeneyd Maalintii ugu dambeysay ee ay u qoondeeyeen gudiga doorashooyinka Somaliland iyadoo banaanbax uu ka dhacay Magaalada Harg...

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan la qa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan looga hadlayay sida loo soo celin karo amaanka gobolka Banaadir waxaa uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye....

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Ciidamada dowladda KMG oo Maanta mar kal

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa Maanta isku rasaaseeyay inta u dhaxeysa Isgoysyada Zoobe iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho iyadoona halkaasi ay ka dhalatay dhimasho iyo ...

Duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Duqeymo aad u xoogan oo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta duhurkii waxaa lagu garaacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo halk...

Madaxweyne Siilaanyo oo Hargeysa kula ku

News image

Hargeysa: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Jamhuuriyada la magacbaxday Somaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo ayaa shalay kulan waxaa uu Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland kula qaatay Wafdi ka socda dowladda Brit...

Askar Ka Tirsan Ciidamada Puntland oo La

News image

Boosaaso: (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah askar ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa saaka laga dhoofiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso,kuwaasi oo qaba dhaawacyo kala duwan oo ...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Wasaarada arimaha gudaha oo ka cabaneysa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaarada arimha gudaha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in uu jiro faragalin wasaaradaasi ay ku hayaan Wasaarado kale oo ka tirsan Xukuumada KMG Soomaaliya....

Axmed Madoobe oo ka baxay Xibul Islaam.

News image

Dhoobley: (Sh. M. Network-13-05-2010) Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo horay uga tirsanaa Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa la sheegay in uu isaga baxay Ururkaasi isagoo dib u aasa...

Qarax miino oo ciidamada dowladda KMG la

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Qarax miino oo ahaa nuuca dhulka lagu aaso ayaa  goordhow waxaa ciidamo ka tirsan dowladda KMG lagula eegtay degmada X/weyne ee gobolka Banaadir....

Kenya oo soo dhaweeysay Madaxweynaha xil

News image

Hargeysa: (Sh. M. Network) Barlamanka dalka Kenya ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Maanta xilka lagu wareejiyay ee Somaliland Axmed Max’uud siilaanyo iyagoo xafladii ka dhacday Hargeysana ku tilmaamay mid taariiqi ah....

More in: NEW IN SOMALI CONTENT