SHABELLE
 

 

Sheekh Yuusuf Indhacadde oo mar kale eedeeyay Ra’iisul wasaare Sharma’arke.

Muqdisho: (Sh.M.Network) kadib dagaalo Saakay ka dhacay qeybo kamid ah demooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa dagaaladaasi ka hadlay Wasiiro dowlaha Wasaarada Gaashaandhoga dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Maanta qeybo ka mid ah degmada Hodon ayaa sheegay in sababaha keenay la wareegida qeybo kamid ah degmooyinka waqooyi ee Muqdisho uu sabab u ahaa Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana aan wax saanad ah la gaarsiin ciidamada dowlada ee halkaasi ka dagaalamayay.

Maalmo ka hor ayey aheeyd Markii Wasiiro dowlaha Wasaarada gaasaandhiga dowlada KMG ee Soomaaliya uu sidoo oo kale u eedeeyay Ra’iisul wasaare Sharma’arke isagoo ku eedeeyay in uu u diiday Ciidamada dowladda ee ka dagaalama agagaarka Fagaaraha Tarabuunka Saanadii militari ee ay ku dagaalami lahaayeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay waxaa uu ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya in uu gacansiiyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde ayaa sidoo kale Shirkiisa jaraa’id waxaa uu kaga hadlay dagaaladii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in ciidamada dowladda KMG ay guulo ka gaareen dagaalkaasi sida uu sheegayna ay qabteen ciidamada dowladda Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kadibna ay dileen sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab oo Shabelle la hadalay ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkii Saakay ay iyagu qaadeen islamarkaana ay kula wareegeen fariisimo ay Ciidamada dowladda KMG ku lahaayeen wadada dheer ee  xiriirisa Isgoysyada sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.

Dhinacooda Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Buhuuku oo Shabelle la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii Saakay aysan wax lug ah ku laheyn Ciidamada  AMISOM isagoo tilmaamay in uusan waxba kala socon wax dagaal ah oo Saakay dhacay.waxana uu dhinaca kale iska fogeeyay in ciidamadooda ay duqeen u geysteen suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Stories

Dowladda KMG oo baaq nabadeed u jeedisay

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday labada beelood ee ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Mudug in ay hakiyaan dagaalka waxaana ay ka codsatay dowladda KMG ...

Maxkamad ku taala Yemen oo dil ku xukunt

News image

Sanca: (h.M.Network) Maxkamada ayaa waxa ay maanta oo Talaado ah ku xukuntay lixda ruux ee ku edaysan burcad badeednimda in la dilo iyada oo sido kale lix kale ku xukuntay 10 s...

Maxkamada Boosaaso oo dil toogasho ku xa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maxakamada Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku ridey nin horay qof kale dil ugu geystay, iyadoo dhinaca kala...

Hilary Clinton “ aad ayaan u amaanayaa h

News image

New York: (Sh.M.Network)Xoghayaha Arimaha dibada ee dalka Maraykanka Hilary Clinton ayaa amaantay habka dowladda KMG Soomaaliya ay u qoroto Ciidamada ay doonayso in ay ka dhigto ciidamada Qaranka Soom...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Maamulkii Ururka Xisbul Islaam ee gobolk

News image

Baladweyne: (Sh.M.Network) Wararka Laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta munsaasabad ka dhacday Magaaladaasi ay ku midoobeen Maamuladii Xisbul Islaam iyo Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab....

Duqeyn Maanta loo geystay degmooyin ka m

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ayaa maanta loo geystay Xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon, Howlwadaag iyo Wardhiigley ee gobolka Bana...

Madaxweyne Faroole oo guulo ka sheegtay

News image

Garoowe: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Faroole ayaa maanta guulo ka sheegtay dagaalkii saakay ciidamada amaanka ee Puntland ay kula galeen Tuulooyinka Galgala iyo Karin kooxihii huba...

Shabelle oo dib u soo celisay Astaamahee

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa saakay dib u soo celisay Muusigyadii astaamaha u ahaa Wararkeeda iyo Barnaamijyadeed, waxaana saakay ay noqotay Idaacadii ugu horeysay ee Magaalada Muqdisho ka x...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Ku dhawaad 50 ruux oo ku dhaawacmay daga

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kudhawaad 50 ruux oo ku dhaawacmay dagaaladii maanta ka dhacay Xaafadaha waqooyi ee Magaalada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho iyadoo qaar ka mid ...

Somaliland oo Ciidan badan dhoobtay Maga

News image

Hargaysa: (Sh.M.Network) Iyadoo waqti yar ay ka xigto xiligii ay u dareeri lahaayeen Bulshada Somaliland Maalinta ay dooranayaan xilka Madaxtinimada Somaliland oo la filayo in ay dhacdo 26-ka June oo ay i...

Waqtiga doorashooyinka gudoonka Barlaman

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) gudiga qaban qaabada doorashooyinka gudoonka Barlamanka ayaa maanta shaaciyay xiliga la qabanayo doorashooyinka gudoonka Barlamanka KMG Soomaaliya iyo xildhibaanada u sharaxan....

Ciidamada dowladda KMG oo Baaritaano ka

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya ayaa saakay howlgalo lagu baarayo dad, Gaadiid, iyo guryaha waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Waabari ee gobolka Bana...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Markab Hilib u siday Falastiiniyiinta oo

News image

Gaza: (Sh.M.Network) Markab Hilib u siday dadka Falastiiniyiinta ee ku nool magaalada Gaza ee dhulalka reer Falastiin ayaa ka  baxsaday weerar Burcad badeed Soomaalida ay ku doonayeen in ay ku qafaas...

Madaafiic waxyeelo geysatay oo galabta k

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Duqeyn Madaafiic ah islamarkaana waxyeelo geysatay ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay ku dhaceen degmooyin katirsan gobolka Banaad...

Shabaab oo Albaabada isugu dhiftey 30 b

News image

Baladwenyne: (Sh. M. Network) Maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa Saacadihii la soo dhaafay  irdaha isugu dhiftay ku dhawaad 30 bakhaar oo Cunto mucaawino ay ugu keydsanaayeen hay’adda WFP....

Xildhibaano soo dhaweeyay Iscasilaadii..

News image

Muqdisho: 17, May.10 ( Sh.M.Network)  Kadib markii uu maanta iscasilay gudoomiyihii hore ee Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur madoobe ayaa arintaasi waxaa si weyn u soo dhaweyay qaar ka mid ah m...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT