SHABELLE
 

 

Nin horay u dilay nin iyo Naagtiisii oo galabta lagu qisaasay Magaalada Marka.

Muqdisho: ( Sh.M.Network) Maxakamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa galabta Magaalada Marka waxaa ay xukun qisaas ku fulisay nin la sheegay in uu horay u dilay nin iyo naagtiisii.

Xukunkaani qisaasta ah ayaa galabta waxaa lagu fuliyay Aadan Yaroow Biyeey (Aadan Killi) oo da’diisu ay tahay 51 sano jir kaasi oo la sheegay in uu dil bareer ah u geystay 31-kii bishii labaad sanadka 1431-kii Taariiqda jihriga C/raxmaan Cabdi Shacbaan iyo Xaaskiisa Faadumo Cabdi Cusmaan.

Ninkaani la Qisaasay ayaa waxaa la sheegay in labadaani qof ee is qabta uu ku dilay Tuulada Garmaay oo iyadu hoostagta degmada kuntuwaareey ee gobolka Sh/hoose, waxaana goobta uu ka dhacay xukunkaani qisaasta ah ku sugnaa dadweyne aad u farabadan.

Qaadiga Maxkamada degmada Marka Sheekh C/raxmaan Kismaayo oo goobtaasi ka hadlay islamarkaana xukunka qisaasta ku dhawaaqay ayaa sheegay in qoysaskii ay ka dhasheen dadkii la dilay iyo kuwa dhalay ninka dilka geystay ay isku afgarteen in xukunkaasi qisaasta ah la fuliyo.

Gudoomiyaha Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose Sheekh Max’ed Abuu Cabdala ayaa sheegay in ciidamad sirdoonka ee Maamulka Islaamiga gobolka Sh/hoose ay in mudo ah ku daba jireen gacan ku dhiiglahaani maanta la qisaasay isagoo intaasi ku daray in ugu dambeyn isbuucii la soo dhaafay gacanta ay ku soo dhigeen.

Xukunkaani ayaa kii ka horeeyay ee ka dhaca Magaalada Marka waxaa lagu fuliyay askari ka tirsanaa Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo isagu fal dil ah u geystay qof reer gobolka Sh/hoose ahaa.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Stories

Maraykanka oo joojinaya taageerada Milit

News image

New York: (Sh.M.Network) Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay hakinayso taageerida dhinaca militari ee ay siiso dowladda KMG ilaa inta dowladda KMG Soomaaliya ay meel ka saareyso wararka sheegaya inay aska...

Dagaal la is riiriixay oo galabta ka dha

News image

Muqdisho :(Sh.M.Network) Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo kuwa dowlada KMG oo garabsanayay ciidamada AMISOM ayaa galab ka dhacay waqooyiga Magaalada Muqdisho....

Xukuumada Somaliya oo ugu baaqday dalalk

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaarada Jaaliyadaha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqday wadamada Caalamka inay ilaaliyaan islamarkaana ay dhowraan Xaquuqda Qaxootiga Soomaalida ee ka cararaya dagaalada ka jira dalk...

Dowladda KMG iyo Ahlu Sunna oo isku raac

News image

Addis Ababa: (Sh. M. Network) Dowladda kMG Soomaaliya, Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Qaramada Midoobay ayaa isku raaacey in la xoojiyo dagaalada lagula jiro Xraakada Al Shab...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Human Rights Watch oo cambaareysay dad S

News image

Amsterdam : (Sh. M. Network) Dowladda Wadanka Holland ayaa bilaaabeysa bilaha soo socda in ay koofurta dalka Soomaaliya ku celiyaan qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku sugan iyad...

Wararkii ugu dambeeyay ee dowladda KMG S

News image

Jabuuti: (Sh. M. Network) Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ficilada uu maamul goboleedka Puntland kula kacayo dadka ka soo jeeda k...

Xisbul Islaam iyo dowlada oo guulo ka sh

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ururka Xisbul Islaam iyo dowladda KMG Soomaaliya ayaa guulo waxaa ay ka kala sheegteen dagaalo iyo madaafiic shalay ay isku weydaarsadeen qeybo ka mid ah Magaalada Muqd...

Dowladda oo ka warbxiisay deeqo Waxbaraa

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in deeqo waxbarasho ay ka heshay wadamada Yemen iyo Suudaan iyadoo dhinaca kalana faah faah ka bixisay balan qaadyo dhinaca waxb...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Madaxweyne Sheekh Shariif oo fursad ku t

News image

Istanbuul: (Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa  fursad wanaagsan oo dhinaca dib u heshiisiinta ku tilmaamay Shirkii dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada Istanbuul ee dalka T...

Sharma’arke iyo masuuliyiin ka tirsan Be

News image

Nairobi: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada kMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa galabta Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya waxaa uu kulamo kula qaatay masuuliyiin ka tirsan beesha Caal...

Siminaar Looga Hadlayo Qiimaha Nolosha i

News image

Nairobi: (Sh. M. Network) Siminaar lagu baranayo qiimaha ay leedahay Nolosha, Nababdda iyo Xuquuqda Bini’aadamka ayaa maanta ka furmay hotelka Meridian ee magaalada Nayroobi ee dalka Kiinya, Siminaarkaan ayaa waxaa soo ...

Madaafiic qasaare geysatay oo maanta ku

News image

Muqdisho: ( Sh.M.Network) Madaafiic geysatay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ayaa saacado ka hor waxaa ay ku dhaceen Xaafado ka mid ah degmada X/weyne ee gobolak Bana...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Madaxweyne Shariif oo Madaxweynaha Ugand

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Madaxweynaha Uganda Yuweri Musafani kala hadlay in qaraxyadii ay geysteen Al Shabaab aan loo dhibaateyn shacabka Soomaalida ee ku nool...

Dad Barakacayaal ah oo Baahi darteed ugu

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Maamulka dowladda KMG Soomaaaliya ee degmada Shibis gobalka Banaadir ayaa ka deeriyay xaaladda qoysaska Barkacayaasha ah ee degmadaasi ku sugan, isagoo mamulka degamdaasi sheegay in saac...

Howlihii cod bixinta Kaararka oo lagu so

News image

Hargeysa: (Sh.M.Network) Howlihii bixinta Kaararka Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu soo gabagabeeyay qeybo kamid ah gobolada ...

C/qaasim Salaad Xasan oo baaq u diray Sh

News image

Qadar: ( Sh.M.Network) Madaxweynihii dowladii Carta ee Soomaaliya C/qaadis Salaad Xasan oo waresi siiyay Idaacada VOD-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay Khilaafka ka dhex cusboonaaday ...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT