SHABELLE
UN-ka oo dowladda Sacuudiga ugu baaqay joojinta Tarxiilka dadka Soomaalida ah.

Geneva : (Sh. M. Network) Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Wadanka Sacuudiga inay joojiso Tarxiilka ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ee ku sugan wadankaasi kuwaasi oo gudaha Soomaaliya uga carara dagaalada jootada ka noqday 20-ka sano.

Melissa Fleming oo ah afhayeenka hay’adda Qaxootiga Caalmka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee  UNHCR oo Magaalada Geneva kula hadlayay warbaahinta  ayaa baaq u direy dowladda Wadanka Sacuudiga kaasi oo ku aadan in ay joojiso tarxiilka ay ku heyso Soomaalida dhibanayaasha ah ee dalkeeda u raadsada Magangalyada.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in inta badan dadka laga soo taxiilo Sacuudiga ay yihiin haween Soomaali ah iyo dhalinyaro kale oo nafdooda ku  biimeeyay badda u dhaxeysa Yemen iyo gobolada Bari ee Soomaaliya sidaasi darteedna waxa uu ugu baaqay dowladda Sacuudiga inay ilaaliso xeerka Xaquuqda Qaxootiga islamarkaana ay joojiso Tarxiilka ay ku heyso dadka Soomaalida ah.

Sidoo kale hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR waxa ay sheegtay in ay aad uga xumaatay tarxiilka bilihii ugu dambeeyay ay dowlada Sacuudiga kula kacday dad Soomaali ah oo kor u dhaafaya 2,000 oo qof kuwaasi oo dalkoodii hooyo markii hore uga cararay dagaalo ka jira awgeed.

Maalinta Jimcaha ah ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa laga soo dajiyaa in ka badan 150 ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo laga soo tarxiilo wadanka Sacuudiga, waxaana jira dhibaatooyin kale oo ciidamada Sacuudigu ay u geystaan dadka Soomaaliyeed.

Wadanka Sacuudiga ayaa ah wadanka ugu badan ee haweenka Soomaaliyeed iyo dhalinyarada kale ee shaqo la’aanta ay ku qabsatay Soomaaliya ay u Tahriibaan, waxaana inta badan ay maraan badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen iyadoo dhowr jeer dad badan oo tahriibayaal ah oo doonayay dalka Sacuudiga ay doomo kula dageen meelo ku dhow dhow xeebaha dalka Yemen.

Dadka ka bad baada shilalkaasi doomaha ee Tahriibka ku kala gudaha wadanka Yemen ayaa socod dheer waxaa ay mar kale ku sii maraan xadka wadamada Sacuudiga iyo Yemen, waxana xiliyada qaar dhacda in dad Soomaaliyeed oo dhibaatadaasi u maray tagitaanka dalka Sacuudiga maalmo markii ay joogaan ay gacanta ku dhigaan ciidamada dalkaasi Sacuudiga kuwaasi oo mudo kadib ka soo dajiya Magaaladii dagaalka badneyd ee ay markii hore ka carareern ee Muqdisho.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Aadan Madoobe “Ma furmayo fadhiga Barlam

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network-10-05-20010) –Gudoonka Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa Maanta sheegay in aan la furi Karin Fadhiga Barlamanka KMG iyo inaysan jirin xildhibaano dhex dhexaadin ka dhex wada mudanayaasha ...

Ku dhawaad 5 askari oo ka tirsan ciidama

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho ayaa Caawa sheegay in Madaafiic ku soo dhacday Xarunta Madaxtooyada ay kaga geeriyoodeen ku dhawaad 5 askari oo ka t...

Puntland oo sameysay Gudi dadka ku baraa

News image

Garoowe: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa magacaabay gudi wasiiro ah oo bulsho weynta ku dhaqan deegaanada Puntland ku baraarujiya ka hortaga weerarada lagu soo qaaday deeg...

Nabadoonada Galmudug oo ku baaqay in wax

News image

Gaalkacyo : (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah Odayaasha maamaulka  Galmudug State ayaa ugu baaqay in wax laga qabto falal amni daro oo ay sheegeen in ay ka jiraan  deeg...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Maamulka Galmudug oo waqti u qabtay hay’

News image

Gaalkacyo: (Sh. M. Network)  Maamulka Galmudug ayaa waqti u qabtay hay’adaha samafalka ee aan xafiisyo ku laheyn deegaanada Puntland kaasi oo ku aadan in si deg deg ah isaga soo diiw...

Ahlu Sunna iyo Maamulkii Bay oo midoobay

News image

Doolow: (Sh. M. Network-11-05-2010)–Sargaal ka tirsan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo gudoomiyihii gobolka Bay ee dowladda KMG C/fitaax Ibraahim Geeseey oo si wadajir ah wareysi u siinayay Idaacada Shabelle ayaa waxa...

Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigey

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliska ayaa howlgalo lagu qab qabtay dad, watay rasaas iyo waxyaabah maanka dooriya waxaa ay ka same...

Dagaalo geestay dhimasho iyo dhaawac oo

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Dagaalo geestay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo islamarkaana u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al shabaab ayaa maanta mar ...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Taliska Ciidanka Uganda oo ka warbixiyay

News image

Kampala: (Sh. M. Network) Taliska Ciidamada amaanka ee dalka Uganda ayaa shaaciyay tirada dadka ay u qab qabteen ku luglahaanshiyaha Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Ugan...

Xasan Daahir oo ku baaqay in ay midoobaa

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta ku baaqay in la mideeyo dhaq dhaqaaqyada islaamiyiinta ee ka dagaalama gudaha dalka Soom...

Dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Xaafadaha

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Dagaalo xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay galabta ka dhaceen Waqooyiga Muqdisho iyadoo madfac ku soo dhacey dugsi qur’aan kuyaala degmada X/weynana uu saba...

Madaxweynihii Hore ee Somalia C/qaasim o

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa Maanta cambaareeyay dagaalada Maalintii 7 aad ka dhacay Muqdisho isagoo ugu baaqay dowladda KMG iyo Al Shabaab inay ...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Madaafiic dhimasho u geystay dad barakac

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Madaafiic sababtay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta waxaa ay ku dhacday xeryo ay ku nolaayeen qoysas Barakacayaal ah oo kuyaala nawaaxiga Isbitaalka Digf...

Baarlamaanka Galmudug oo Cambaareyn u je

News image

Gaalkacyo: ( Sh.M.Network) Baarlamaanka Galmudug ayaa ku canbaareeyay maamulka Galmudug in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dilalka ka dhaca magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudu...

Maraykanka oo sheegay in ay sii wadayaan

News image

New York: (Sh.M.Network) Masuul ka tirsan Gongareeska Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay sii wadeyso taageerada militari ee ay siiso dowladda KMG isagoo ugu baaqay madaxda Maraykanka in ay baar...

Dab geystay qasaare hantiyadeed oo xalay

News image

Goldogob: (Sh. M. Network) Wararka laga helayo degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa sheegay in xalay halkaasi uu ka kacay dab aad u xoogan islamarkaana  geystay qasaare maaliyadeed....

More in: NEW IN SOMALI CONTENT