|
Ingiriiska oo Sheegay in dowlada KMG uu ka gacan siinayo la dagaalanka Al Shabaab.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Shabaab ay “Sida aad la socotoba qarxyadii ka dhacay dalka Uganda gaar ahaan Kampala ayay sheegteen Al Shabaab sidaasi daraadeed waxaan sheegeynaa in Soomaaliya ay ka dhaqaaqeen oo ay dunida u si hayaameen waa halis la dhihi karo, waxa ay halis ku sii tahay dhamaan Gobalka, sidaasi daraadeed waxaa loo baahanyahay in laga hortago Al Shabaab”Ayuu yiri Henry Bellingham. Wasiirka arimaha Afrika ee dowaladda Ingiriiska Henry Bellingham waxa oo sidoo kale Shabelle u sheegay in Xarakada Al Shabaab ay caqabad ku noqdeen gar gaarkii la gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan Soomaaliya. “Howlihii dhinaca gar gaarka ah ee dadka Soomalida ah laga siin jiray Koofurta iyo bartamaha hakad ayay galeen taasina waxaa sababteeda leh Al Shabaab, dad farabadan ayaa jira oo u baahan gargaar sidaa daraadeed waan dhaleecaynaynaa waxaana leenahay ma’aha kuwa sii socon doono, hadaf keenana waa inaan garabgalno dadka Soomaalida ah oo aan u gar gaarno iyo waliba in Soomaaliya lagu soo celiyo nabad iyo waliba xasilooni”ayuu yiri Henry Bellingham Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |
















