SHABELLE
Midowga Afrika oo ku baaqay in 15 maalin lagu keeno ciidamdii la balan qaaday.

Kampala: (Sh. M. Network) Midowga Afrika aya isku raacay in la keeno Ciidamo dheeri ah wadanka Soomaaliya mudo 15 maalin gudahood kuwaas oo horay loo qorsheeyay in loo soo diro gudaha wadanka Soomaaliya.

Kulana ay albaabada u xeranaayeen oo ka dhacay magaalada Kampala ee Xarunta wadan Uganda islamarkaana ay ku yeeshayn Madaxda sar sare ee Uruka midowga Afrika ayaa lagu go’aamiyay in ciidamada la balanqaaday ee 2,000 oo askari ee la qorsheeyay inay soo gaaraan gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ku imaan doonaan mudo labo toadobaad gudahooda, iyadoo ciidamadaasi ay ku soo biiri doonaan ciidamada ilaa iyo 6.000 ee askari gaaraya ee  kala kala socda Wadamad Burundi iyo Uganda ee nabad ilaalinta ka wada gudaha wadanka Soomaaliya.

Waxaa ay isku raaceen kulankooda Madaxmda sar sare ee Ururka Midowga Afrika inay noqon doonto soo daad gureynta Ciidamadaasi mid sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo daadgureeyo sida uu sheegay Wasiirka arimaha dibadda dalka Ethiopia ninka lagu magacaawo Siyuu Musfin iyo waliba madaxa dhinaca nabadda iyo amniga ah ee Ururka midowga Afrika ninka lagu magacaabo Ramtana Lamamra.

Waxa ay intaasi ku dareen Midowga Afrika in ay go’aan ku wada gaareen sidii looga taageeri lahaa dowladda KMG Soomaaliya dhinaca waliba iyagoo si kulul markale u dhaleeceeyay qaraxyadii ka dhacay Kampala 11/7/2010 ee ay sheegteen Xarakada Mujaahidiin Alshabaab.

Madaxda Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in kulankoodu ay balanqaadyo kala duwan ay u qaadeen sidii loo xoojin lahaa loogana dhabeyn lahaa balan qaadyadii iyo waliba wax yaabihii ay kaga hadleen magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganada.

Beesha caalamka ayaa la sheegay in iyana ay balanqaaday oo ay damaanada qaaday in ay ku tabaruci doonto ciidamada Soomaaliya imaanaya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ilaa iyo 5 diyaaradood  oo kuwa qumaatiga u kaca Helicopter-ka   loo yaqaano halka Dowladda Koofur Afrikana ay balan qaaday in Maraakiib kuwa dagaalka ah ay u soo diri doonto dakadda magaalda Kismaayo ee gobalka Jubadda Hoose ee Soomaaliya taasi oo la sheegay inay noqon doonto barta ay ka qaadan doonaan ciidamada taageerada dhinaca Lojistikada dhaqalaha iyo waliba waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah Ciidamada ladoonayo in Soomaaliya ay yimaadaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Xarakada Al Shabaab ay sheegeen in ay ka go’an tahay in ay la dagaalami doonaan ciidamo waliba oo loo soo dira gudaha wadanka Soomaaliya.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ( Cali Dheer ) ayaa baaq u diray wadamada damacsan in ay ciidamo u soo diraan gudaha wadanka Soomaaliya kaasi oo ku aadan inay ka baaqsadaan oo ay joojiyaan islamarkaana aysan u soo dirin ciidamo wadanka Soomaaliya gaar ahaa Magaalada Muqdisho hadii kale aysan waxba ka duwanaan doonin kuwii horay ay kula dagaalameen dhulka Soomaaliya.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Ururka Xisbul Islaam oo bandow ku soorog

News image

Afgooye : (Sh. M. Network) Ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa bandoow xiliga habeenkii ah waxaa uu ku soo rogay shacabka ku dhaqan degm...

QM oo canbaaraysay weerarka iyo is qarax

News image

New York : (Sh. M. Network) Golaha amaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa ayaa ku soo biiray xubnaha beesha caalamka ee dhaleecaynaya werarkii maalintii shalay Ururka Al Shabaab ay ka fuli...

Qasaaraha ka dhashay dagaalkii Buuhoodle

News image

Buuhoodle: ( Sh.M.Network) Waxaa isasootaraya Qasaarihii ka dhashay dagaaladii shalay ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer iyadoo xaalada degmadaasi saakay ay tahay mid dega...

Shirkii Sanca oo la soo gaba gabeeyay iy

News image

Sana: (Sh. M. Network) Shirka wasiirada arrimaha dibadda isbahaysiga Sanca ayaa lagu soo gabo gabeeyay dalka Yemen iyadoo looga hadlay qodobo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa dhibatada ka jirt...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Wariyayaasha degmada Afgooye oo Maanta d

News image

Afgooye: (Sh.M.Network) Wariyayaasha ka howlgala degmada Afgooye ayaa maanta waxaa ay dhaqan galiyeen amar dhawaan uu ku soo rogay Maamulka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye kaasi oo ahaa in bisinka Alle...

Kabtan Farxaan iyo Badmaaxiyaal Muqdisho

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Kulan balaaran oo lagu soo dhaweynayay Kabtan Max’ed Daahir Faarax ( Kabtan Farxaan) islamarkaana ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin badan oo ka tirsan dowlada KMG iyo bulshada qe...

Wasiiradii dhawaan la magacaabay oo lagu

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Kadib Xaflad balaran oo maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi lagu dhaariyay Wasiiradii dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya....

Madaxweyne Sheekh Shariif oo fursad ku t

News image

Istanbuul: (Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa  fursad wanaagsan oo dhinaca dib u heshiisiinta ku tilmaamay Shirkii dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada Istanbuul ee dalka T...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Wadayaasha gaadiidka degmooyinka Gedo oo

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Qaaar ka tirsan wadayaasha gaadiidka ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay cabasho xoog leh ka muujinayaan qaar ka mid ah wadooyinka gobolkaasi oo bur bur lexaad leh ...

Beelaha Hawiye oo Barlamanka la yaabey.

News image

Muqdisho: 17, May.10 ( Sh.M.Network) Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha hawiye ayaa waxyaabo aan la filaneyn waxaa ay ku tilmaameen arintii shalay dhexmartay Mudanayaasha Barlamanka, Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Xukuumada Ra’i...

Ciidamo Ethiopian ah oo xalay isaga baxa

News image

Qurac-juume: (Sh. M. Network) Ciidamadii Ethiopianka ee mudada ku sugnaa Xadka kala qeybiya gobolada Bakool iyo Hiiraan ayaa shalay galinkii dambe isaga isbaxay halkaasi iyagoo dhinaca kalana sii daayay gaadiid ay h...

Dab Ka Kacay xero Barakacayaal oo ku taa

News image

Boosaaso: (Sh.M.Network) Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in Maanta dab xoogan uu ka kacay Xero Barakacayaal oo kutaala galbeedka Magaalada Boosaaso taasi oo lagu ma...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Hay’adaha samafalka ee gobolka Hiiraan o

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Hiiraan ayaa ku amray hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolkaasi in ay hakiyaan howlaha shaqo ee ay ka hayaan gobolka Hiiraan....

Wadayaasha gaadiidka Muqdisho oo ka caba

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wadayaasha Gaadiidka ka dhax shaqeeya inta u dhaxaysa Isgoyska KM-4 iyo degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay xilligan ka cabanayaan Jagboontiyo ku soo ...

Xaaladda degmada Ceelbarde ee gobolka ba

News image

Ceelbarde: (Sh.M.Network) Waxaa maanta degen xaalada degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool halkaasi oo xalay ay ka dhaceen dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa dowladda KMG So...

Dagaalo culus oo dib uga qarxay Magaalad

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Dagaalo Culus oo la isku adeegsanayo hub aad u cul culus islamarkaana ay bar bar socdaan madaafiic farabadan ayaa haatan si toos ah uga socda degmooy...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT