SHABELLE
Howlgalo hakad galiyay ganacsigii oo ciidamada dowlada ay ka sameeyen Wadajir.

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta howlgalo hakad galiyay qaar ka mid ah dhaq dhaqaaqyadii ganasciga waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Wadajir oo xalay ay ka dhaceen dilal qorsheysan.

Iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda KMG howlgalo ay ka sameeyeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in ay hakad galeen qaar ka mid ah dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee ka jiray qeybo ka mid ah Xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir.

Howlgalada ay ciidamadaani maanta ka sameeyeen degmada Wadajir ayaa waxa ay ka dambeyeen kadib markii xalay siyaabo kala duwan degmadaasi ay uga dhaceen dilal qorsheysan, waxaana ciidamadu ay bilaabeen inay baaritaano ku sameeyaan goobihii ay ka dhaceen dilalka.

Haweenay ka mid ah dadka deegaanka oo Shabelle la hadleysay ayaa Sheegtay in saakay ay hakad galeen qaar ka mid ah dhaq dhaqaaqyadii ganacsiga ee ka jirey Xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir kadib markii halkaasi ay howlgalo balaaran ka bilaabeen ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Lama oga in dad lagu soo qab qabtey howlgalada ay ka sameeyeen ciidamada dowladda KMG degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyadoo dhinaca kalana maamulka degmadaasi uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo howlgalada saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen Xaafada Buula Xuubey.

Howlgaladaani ayaa imaanaya xili xalay xaafadaha Nasteexo iyo Buula Xuubey ay ka dhacaan dilal loo geystay dad rayid ah iyo nin ay sheegeen ciidamada dowladda KMG inay uu ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Ciidamda AMISOM oo fariisin cusub ka sam

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamda Ururka Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta fariisimo cusub waxaa ay ka sameysteen qaybo ka mid ah degmada Wadjir ee gobolka Banaadir, halk...

Xildhibaano diiday Fadhiga Baarlamaanka.

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network-14-05-2010) Xildhibaan Boot Cabdalla Magan oo kamid ah xildhibanada baarlamanka Soomaaliya ee ka soo horjeeda Gudoonka Baarlamaanka oo Shabelle waraysi siiyay ayaa ka soo horjeestay hadalkii shalay ...

Puntland oo bilowday qeybinta kaarar lag

News image

Boosaaso: (Sh. M. Network) Maamulka Puntland ayaa maanta bilaabay qeybinta kaarar lagu kala aqoonsanyo dadka ka soo jeeda deegaanada Puntland iyo kuwa kale ee deegaanadaasi aan u dhal...

Duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Duqeymo aad u xoogan oo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta duhurkii waxaa lagu garaacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo halk...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Irasaaseyn ka dhacday duleedka Baladweyn

News image

Baladweyne: (Sh. M. Network-12-05-2010) Israsaaseyn sababtay dhimashada hal qof ayaa ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam iyo kooxo burcad ah waxaa ay ku dhexmartay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiir...

Sheekh Xasan “ Dadka ku dhaqan Kuliyadii

News image

Lafoole: ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan Kuliyadii hore ee Waxbarashada Lafoole in halkaasi ay isaga guraan mudo 7-cisho ah....

Dagaalo beeleedyo sababay dhimasho iyo d

News image

Baydhabo: (Sh.M.Network) Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in halkaasi ay ka soo cusboonaadeen dagaalo beeleedyo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaa...

Xisbul Islaam oo Aabe iyo Caruurtiisa ka

News image

Afgooye: (Sh. M. Network) Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ayaa Aabe iyo Caruur uu dhalay waxaa ay ka kaxeysteen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kuwaasi oo la sheegay in m...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Madaxweyne Shariif oo Muqdisho ku soo la

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib safar uu ku tagay Wadanka Sudaan, waxaana uu waca...

Maamulada Shabaab ee Baardheere iyo Bala

News image

Baardheere: (Sh. M. Network) Maamulada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolada Hiiraan iyo Gedo ayaa cafis u fidiyay dhalinyaro ku xirneeyd xabsiyada Magaalooyinka Baardheere iyo Bala...

Tartan Aqooneedka Shabele oo bilowdey iy

News image

Muqdisho (Sh. M. Network) Barnaamijka Tartan aqooneedka Shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa caawa si toos ah uga bilowday Xarunta Idaacada ee magaalada Muqdisho iyadoo caawana ay ku tartameen degmooyin kala matalayay gobo...

Ciidamada dowladda KMG oo Baaritaano ka

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya ayaa saakay howlgalo lagu baarayo dad, Gaadiid, iyo guryaha waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Waabari ee gobolka Bana...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Kooxo hubaysan oo gaari ku rasaaseeyay m

News image

Gaalkacyo: (Sh.M.Network) kooxo hubaysan ayaa gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah waxaa ay ku rasaaseeyeen deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug iyadoo taasina ay sababtay dhimasho iyo dhaa...

Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo ka

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Golaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimad beelaha Hawiye ayaa ka digay in masiibo bini’aadanimo oo ka dhalata dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soom...

Xaaska nin Britain ah oo lagu afduubtay

News image

Nairobi: (Sh. M. Network) Haweenay Soomaali ah islamarkaana heysata Caruur yaryar oo ninkeeda oo u dhashay Wadanka Ingiriiska sanadkii 2008-da lagu Afduubtay koofurta Soomaaliya ayaa Maanta ka codsatay kooxaha Afduubka u he...

Wasaarada arimaha gudaha oo ka cabaneysa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaarada arimha gudaha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in uu jiro faragalin wasaaradaasi ay ku hayaan Wasaarado kale oo ka tirsan Xukuumada KMG Soomaaliya....

More in: NEW IN SOMALI CONTENT