SHABELLE
Al Shabaab oo dagaal kula wareegtay degmada Yeed ee gobolkaBakool.

Yeed: (Sh. M. Network) Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa dagaal geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa ay kula wareegeen degmada Yeed ee gobolka Bakool, iyadoo Al Shabaabna dagaalkaasi ay guulo ka sheegteen.

Dagaalkaani oo ka dhacay degmada Yeed ee gobolk Bakool ayaa waxaa ay uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwii taabacsanaa Maamuladii hore ee dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool iyo ciidamo ka tirsan Al Shabaab, waxaana ka dhashay qasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay dagaaladaasi waxaa ku nafwaayay in ka badan 3 ruux oo la sheegay in ay yihiin dhamaantood dhinacyadii ku dagaalamay degmada Yeed oo ku taala xadka gobolka Bakool uu la wadaago dalka Ethiopia iyadoona ay jiraan qasaare dhaawacyo leh oo soo gaaray dhinacyadii hardamay iyo dadka deegaanka.

Dagaalka oo socday mudo dhowr saacadood ah ayaa waxaa la sheegay in markii dambe gacan ku heynta degmadaasi ay  la wareegeen ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo iyagu markii hore weerar ku soo qaaday degmada Yeed oo fariisin ay ku lahaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya walow ciidamada dowladda ee halkaasi laga saaray ay joogaan duleedyada degmada laga qabsaday.

Cabdi Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo dagaaladaasi ka hadlayay ayaa guulo ka sheegtay dagaalada degmada Yeed ee gobolka Bakool ay kula galeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya isagoo sheegay inay halkaasi kula wareegeen gaari nuuca cabdi bilaha ah oo ay lahaayeen ciidamadii dowladda ee halkaasi laga saaray sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo xaalad deganaasho ah iminka ay ka jirto degmada Yeed ayaa hadana waxaa jira dhaq dhaqaaqyo xoogan oo duleedyada degmadaasi ay ka wadaan saraakiil iyo ciidamo taabacsan Maamuladii dowladda KMG ee ka arimi jirey gobolada Bay iyo Bakool kuwaasi oo iminka ku sugan degmooyinka Ceelbarde iyo Doolow ee gobolada Gedo iyo Bay.

Xariiro aynu la sameynay dhinaca masuuliyiinta dowladda KMG ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bakool si aan wax uga weydiino dagaaladii halkaasi ay ula galeen xarakada mujaahidiinta Al Shabaab ayay inoo suurta gali weysay in aan qadka taleefanka ku haleelno.

Ugu dambeyntii xaaladda degmadaa ayaa ah mid saacad walba laga filan karo in mar kale dagaal uu ku dhexmato dhinacyada hardanku uu u dhaxeeyo iyadoona dadkii deganaa deegaanadaasi ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda iyagoo ka baqdin qaba in mar kale dagaalo halkaasi ay ka dhacaan.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Qiimo korar laga dareemayo kaluunka lagu

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Waxaa sara ukaca xoogan laga dareemayaa qiimaha lagu kala iibsado kaluunka suuqyad magaalad Muqdisho xilli maalmihii u danbeeyay hoos u dhac laga dareemayay qiimaha la kala...

Safaaradda Somalida Kenya oo sheegtay in

News image

Nairobi: (Sh. M. Network) Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ciidamada dalka Kenya ay yareeyeen qab qabashadii dadka Soomaalida mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku hayeen iyadoo dhinaca kalana shee...

Dowladda Yemen oo sheegtay in Burcad bad

News image

Sanca: (Sh. M. Network) Wasaardaa arimaha gudaha dowladda Yemen ayaa sheegtay in Kooxaha burcad badeeda Soomaalida Saacadihii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen doon Kaluumeysi oo laga leeyahay dalkaas...

Beelaha Hawiye oo Barlamanka la yaabey.

News image

Muqdisho: 17, May.10 ( Sh.M.Network) Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha hawiye ayaa waxyaabo aan la filaneyn waxaa ay ku tilmaameen arintii shalay dhexmartay Mudanayaasha Barlamanka, Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Xukuumada Ra’i...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Qarax Ciidamo ka tirsan dowladda lagula

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Qarax aad u xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir lagula eegtay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya....

Xaalada Maxaabiis Soomaali ah oo laga de

News image

Difeeta: (Sh.M.Network) Xaalada Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran Xabsiyo ku yaala Xadka dalalka Tanzaaniya iyo Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid aad u liidata....

Dagaal culus oo gabaldhicii maanta ka dh

News image

Muqdisho: ( Sh.M.Network) Dagaal culus islamarkaana u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa gabaldhicii maanta waxa ay ka dhaceen xaafado kamid ah degmooyinka Boondheere iyo Shib...

Dagaalo qaraar oo maalintii labaad maant

News image

Muqdisho : (Sh. M. Network) Dagaalo qasaare farabadan soo gaarsiiyay dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa maanta maalintii labaada Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dhex mareen Ciidamada AMISOM iyo ...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Yuusuf Indhacadde “ Qaraxii la ila eegta

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Wasiiru dowlaga wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaada Indhacadde ayaa sheegay in qaraxii habeen ka hor lagula eegtay wadada Makka Al Mukarama uu ahaa mid laga...

Ciidamada dowladda oo howlgalo dad lagu

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya xalay howlgalo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Waaberi gobolka Banaadir waxaa ay ku soo qab qabteen rag ay ku shee...

Taliska Ciidanka gobolka Nugal oo sheega

News image

Garoowe: (Sh. M. Network) Taliska Ciidanka Puntland ee gobolka Nugaal ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Kooxo burcad badeeda Soomaali ah oo horay gobolkaasi uga geystay falal isugu jira dil iyo ...

Waxgaradka Galgala oo ka codsaday Puntla

News image

Boosaaso: (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan Buurta Galgala ee gobolka Bari oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada Maamulka Puntland ayaa ka codsaday Maamul goboleedka Puntland in d...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Israsaaseyn ciidamada dowladda iyo kooxo

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Israsaaseyn sababtay dhawaaca dad rayid ah ayaa maanta barqadii degmada X/jajab ee gobolka Banaadir waxaa ay ku dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo iyo koox...

Maamulka Galmudug oo eedeyn kulul u jeed

News image

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin oo dhawaan dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta goboka Mudug ayaa korarka burcad badeeda dusha uga turay Maraakiibta shis...

Pro Dalxa oo ku baaqay in Xildhibaanada

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Pro Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenkii 1-aad ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ugu baaqay Mudanayaasha Baarlamaanka in ay la shaqeeyaan gudoomiyahooda cusub ee Baar...

Baaqa Maraykanka iyo Qilaafka dowlada.

News image

Muqdisho: 18, May.10 ( Sh.M.Network)  War qoraal ah oo ka soo baxay Safaarada dowlada Maraykanka ee Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa dowlada Maraykanku waxaa ay ku sheegtay in ay k...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT