|
Dowladda Ingiriiska oo ku baaqday in si deg deg ah ciidamo loogu soo diro Somaliya.
Wasiirka Cusub ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimah Afrika Henry Bellingham oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Shabelle ayaa sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah ciidamo loogu soo diro wadanka Soomaaliya si ay ugu biiraan ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in aan loo baahneyn in marka hore lagu deg dego wax ka badalka sharciga ciidamada midowga Afrika ay ku joogaan Soomaaliya hase ahaatee laga shaqeeyo sidii ay ku wada shaqeyn lahaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho. “Marka hore waa in ciidamadu ay yimaadaan oo ay ku soo biiraan ciidamada kale ee jooga Muqdisho, waxaan kuu sheegayaa in hadda ay joogaan Soomaaliya ciidamo 5 kun kor u dhaafaya gaar ahaan Muqdisho, sidaasi daraateed ma’ahan oo kaliya in marka hore lagu deg dego wax ka badalida sharciga AMISOM golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa arinkaasi ka hadlaya” ayuu yiri Henry Bellingham oo u waramayay Shabelle. Sidoo kale wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika waxaa uu sheegay inay jiraan lacago badan oo horey loogu balan qaaday dowladda KMG Soomaaliya si loo fuliyo howlaha baaxada weyn ee horyaala balse lacagahaasi waxaa uu sheegay in waxyar ay ka soo gaareen dowladda KMG Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in dowladda Ingiriiska iyo midowga Yurub ay rajjo ka qabaan in inta dhiman lacagahaasi ay soo gaarto dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in dowladda Ingiriisku ay taageereyso maamul kasta oo ka jira Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it |














