SHABELLE
Hogaamiye Max’ed Saciid Atam oo iska fogeeyay in uu xariir la leeyahay Al Shabaab.

Boosaaso: (Sh. M. Network) Hogaamiyihii dhawaan isaga iyo ciidamadiisa dagaalka la galay ciidamada Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cid rasmiga ee uu xariirka la leeyahay isagoo iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay Al Shabaab.

Kadib markii maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in hogaamiye diimeedkii dhawaan dagaalka la galay ciidamada Maamulka Puntland uu ka tirsanyahay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa arimihaasi si kulul uga hadlay oo beeniyay hogaamiye diimeedkaasi Max’ed Saciid Atam xili uu la hadlayay Idaacada VOA-da.

Waxaa uu sheegay ATAM in isaga iyo ciidamadiisu aysan wax xariir ah la laheyn Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Al qaacida, waxaana uu sheegay in dagaaladii dhawaan ka dhacay Puntland ay sabab u ahayeen weeraro uu sheegay inay ku soo qaadeen ciidamada PIS-ta Puntland.

Max’ed Saciid Atam waxaa uu sheegay in Al Shabaab Afhayeenadooda ay cadeeyeen in uusan xariir la laheeyn, isagoo intaasi ku daray in  dagaalku uu yimid kadib markii uu go’doomiyay Maamulka Puntland waxaana uu beeniyay in ay weerarka markii hore iyagu soo qaadeen.

Hogaamiyaha koox diimeedka ku sugan deegaanada Gagala iyo Karin ayaa isaga oo aan dafireyn Madaxtinimada Madaxweyne Faroole waxaa uu sheegay in uu horey dhowr jeer ugu cel celiyay inay ku hareereysaanyihiin ciidamadiisa.

Atam ayaa waxaa uu beeniyay oo uu meesha ka saaray in deegaanada ay ku suganyihiin ee Galgala iyo Karin ay joogaan dad Ajanabi ah waxaana isagoo kaftamaya uu sheegay in xitaa halkaasi aysan ku sugneyn dad ka soo jeeda koofurta dalka Soomaaliya.

Waxaa uu ku saleeyay dagaalka uu kula jiro Maamulka Madaxweyne Faroole in uu yahay balan ka baxyo uu kula dhaqaaqay Madaxweyne Faroole taasi oo aheeyd in uu meesha ka saaro ciidamada PIS-ta Puntland oo uu sheegay inay yihiin Ashahaado la dirir, isagoo ku eedeeyay Faroole in uu xoojiyay Ciidamadasi iyo dhac uu tilmaamay in maamulka Puntland ay u geysanayaan dadka shacabka ah.

Hadalka Hogaamiyahaani dhawaan dagaalka kala horyimid Maamulka Puntland ayaa ku soo aadaya xili maalmihii u dambeeyay la hadal hayay in uu xariir la leeyahay Al Shabaab, walow arinkaasi Maalin ka hor uu beeniyay Afhayeenka Al Shabaab, hase ahaatee qaar ka mid ah aqoonyahanada Puntland ayaa qaba in Max’ed saciid Atam uusan ka fakir duwaneyn Al Shabaab maadaama uu la soo baxay calaamado iyaga u gaar ah.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Ganacsato ka cabaneysa Maamulka Mudug.

News image

Gaalkacyo: 17, May.10 ( Sh.M.Network) Qaar ka mid ah ganacsatada ka soo jeeda koofurta dalka Soomaaliya islamarkaana ku sugan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabanaya digniino dhawaan ay u jeediyeen Sara...

Odayaasha Hawiye oo baaq diray.

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network-14-05-2010) Afhayeen Golaha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo waraysi siinayay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay duqeymaha isdaba jooga ah ee ka dha...

Shil Gaari oo maanta ka dhacay inta u dh

News image

Afgooye: ( Sh.M.Network) Shil Gaari oo dad ay ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen ayaa  maanta waxa uu ka dhacay Wadada isku xirta degmooyinka Walaweyn iyo Afgooye ee gobolka Sh/h...

Ku dhawaad 10 qof oo ku geeriyootay Shil

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Shil gaari oo sababay dhimashada ku dhawaad 10 ruux ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Tuulo ku dhawaad 30 km u jirta degmada Dangarooyo ee gobolka Nuga...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Saraakiisha dowladda ee Doolow oo ka jaw

News image

Doolow: (Sh. M. Network) Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa ka jawaabay Hanjabaad shalay Xisbul Islaam ay ku sheegeen inay...

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka degay Ma

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Roma ee xarunta wadanka Taly...

Xildhibaano ku eedeeyay Xukuumadda inay

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa ku kala arakti duwanaaday howlaha Dastuur u sameynta dalka Soomaaliya, iyadoo sharci darana kutil maameen gudiga madaxa banaan ee a...

Dagaalo beeleedyo dhimasho iyo dhaawac g

News image

Baladweyne: (Sh. M. Network) Dagaalo u dhaxeeya Labo beel oo walaalo ah oo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan iyadoo wali ay t...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Madaxweyne Faroole oo ku baaqay in lagal

News image

Garoowe: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Faroole ayaa beesha Caalamka iyo wadamada dariska ah ugu baaqay in ay kala qeyb qaataan dagaalada dowladda Puntland ay kula jirt...

Dabagal lagu hayo hay’adaha samafalka ee

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in dabagal uu ku hayo hay’adaha samafalka ee ka howlgala gudaha Magaalada Muqd...

Kenya oo Maraykanka ku eedeysay wax ka q

News image

Nairobi : (Sh. M. Network)  Dowlada Wadanka Kenya ayaa ku eedeysay Maraykanka in uu ka gaabiyay wax u qabashada dowladda KMG Soomaaliya iyo sidii ay u cirib tiri laheyd Ajaanibta ku s...

Qasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay oo

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Waxaa sii kordhey qasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo saakay ka qarxay degmooyinka Hodon iyo howlwadaag iyadoo xaaladu ay haatan tahay mid ka degan sidii saak...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Salaad Cali Jeelle “ Xukuumadu wey ku fa

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Xildhibaan Salad Cali Jeele oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya oo u waramayay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay sida dowladda KMG Soomaaliya ay ugu fash...

Dowladda oo sheegtay in dhawaan uu soo

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Wasaarada dastuuraka dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in 30-ka bishaan ay soo bandhigi doonto qoraalka kowaad ee dastuurka Soomaaliya u heer gabo gabo ah marayo sameynta dastuurka Cusub ee...

Al Shabaab oo dagaal kula wareegtay degm

News image

Yeed: (Sh. M. Network) Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa dagaal geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa ay kula wareegeen degmada Yeed ee gobolka Bakool, iyadoo Al Shabaabna dagaalkaasi ay g...

Caruur cudurka Shuban biyoodka ugu geer

News image

Caabudwaaq : (Sh.M.Network) Caruur da’doodu ay ka yartahay shanta sano ayaa lagu soo wamarayaa in ay ku geeriyoodeen degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kadib markii uu haleelay cudurka Shuban buyo...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT