SHABELLE
Wasiirka dowlada Ingiriiska ee Arimaha Afrika oo Wareysi qaas ah siiyay Shabelle.

Nairobi: (Sh. M. Network) Wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika oo Maanta wareysi qaas ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka taagan Soomaaliya, Somaliland, Puntland,  Lamaanaha Ingiriiska iyo Qaraxyadii ka dhacay Kampala.

Wasiirka Cusub ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika Henry Bellingham oo maanta waraysi gaar ah siinayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa wuxuu sheegay inay waajib tahay in dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan loo helo xal siyaasadeed,

Wasiirka oo Wariyaheena  Axmed Nuur Max’ed Faarax Gantleman uu wareysi kula yeeshay Magaalada Nairobi ayaa intaasi ku daray inay u caddeeyeen dowladda KMG ee Soomaaliya in ay ka doonayaan inay horumariso shaqadeeda iyo wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay la shaqaynayaan maamulada Somaliland iyo Puntland si ay horumiyaan taageeradooda shacabiyadeed.

“Ma aha oo kaliya dowladda KMG waxa aan la shaqaynayno laakiin sidoo kale waxaan la shaqaynaynaa mamaulka cusub ee Somaliland, maamulka Puntland iyo maamulada kale ee ka jira gobolladda Soomaaliya, waxaan soo dhawaynaynaa fikrad kasta oo wax dhisaysaa, si loo helo dib u heshiisiin buuxda” ayuu yiri Henry Bellingham oo u waramayay Shabelle

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka oo ka hadlayay ciidamada dheeraadka ah ee midawga Afrika uu doonayo in la geeyo Soomaaliya waxa uu sheegay inay ciidamadaasi ay xoojin doonaan ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan isaga oo intaasi ku daray inuu aaminsanyahay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay si wanaagsan u wada shaqayn doonaan xilligaan, isla markaana ay dhamaystiri doonaan shaqada loogu talo galay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirki in wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya uu dawr muhiim ah ka cayaari doono xal loo helo dhibaatada Soomaaliya.

Dhanka kale Bellingham oo ka hadlayay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Kampala ayaa aad u cambaareeyay Al-Shabaab isaga oo sheegay inay waxyeelo u gaysanayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ka hor istaageen gargaarka bini’aadanimo dadka ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan ku dadaalaynaa in aan kula talino wadamada deriska ah inay xoojiyaan la dagaalankooda argagaxisada, waxaan sidoo kale ku dadaalaynaa in xagjirka kasta oo dalka Ingiriiska ku nool kaasi oo ku fikiriya inuu Soomaaliya yimaado in aan ka hortagno, innaga oo ka dhaadhicayna Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan boqortooyada Ingiriiska inay ka hortagaan barnaamijada argagaxisada si aan loo dhibaatayn Soomaalida.” Ayuu yiri xili uu u jawaabayay Wariye Gentleman

bidix wariye axmed noor_and henry bellinghamok

Wasiirka ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay lamaanaha Ingiriiska ee lagu haysto dalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay kooxaha haysta in aysan waxyeelo u gaysan lamaanayaashaas isla markaana si shuruud la’aan oo degdeg ah ku sii dayaan. Waxa uu sheegay inaysan is badalin siyaasada Ingiriiska isla markaana aysan wax madax furasho ah siin doonin kooxaha haysta lamaaanayaasha ingiriiska.

Wasiirka ayaa booqashadiisa Kenya uu ku yimid waxa uu diirada ku saarayay inta badan arimaha Soomaaliya isaga oo sheegay in dowladda Ingiriiska ay kordhinayso taageerada ay u fidiso shacabka Soomaaliyeed.

Cabdikariin Maxamed Jimcaale

Shabakada Warbaahinta Shabelle

Nairobi, Kenya

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Maraykanka iyo Uganda oo isku qilaafay d

News image

Kampala: (Sh. M. Network) Dowladaha Maraykanka iyo Uganda ayaa isku qilaafay dhaqaalaha la siinayo Ciidamada Cusub ee loo soo dirayo Soomaaliya gudaha dalka Soomaaliya iyo kuwa haatan ku sugan Muqdisho ee m...

Ciidamo katirsan dowladda oo maanta lagu

News image

Muqdisho: ( Sh.M.Network)Askar katirsan Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu dilay xaafad ku taala degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir....

Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland oo ku

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ee ka soo jeeda Mamulka Puntland,  ayaa ku baaqay in si dag dag ah loo joojiyo dagaaladii da...

Gudiga Maaliyada Baarlamaanka oo eedeeym

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Gudiga Maaliyada Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa eedeemo waxa ay u jeediyeen gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan....

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Howlihii cod bixinta Kaararka oo lagu so

News image

Hargeysa: (Sh.M.Network) Howlihii bixinta Kaararka Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu soo gabagabeeyay qeybo kamid ah gobolada ...

Inkabadan 60 ruux oo la dhigay Madiina.

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network-13-05-2010)  Xili shalay galinkii hore ilaa iyo galinkii danbe dagaalo iyo duqeymo xoogan oo u dhaxeeyay dhinacyada ku dagaalama Magaalada Muqdisho islamarkaana geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo ...

Spain oo tababar u soo gaba gabeysay cii

News image

Madrid : (Sh. M. Network) Dowladda Wadanka Spian ayaa sheegtay inay tababar u soo gaba gabeysay Ciidamo ka mid ah askarta badda ee dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo mudo tababar uu u...

Ururka Al Qaacida oo sheegay in Maraykan

News image

Toroboro: (Sh. M. Network) Wadaaadka Labaad ee ugu sareeya ururweynaha AL-Qaacida Ayman AL Zawahiri ayaa sheegay in Maraykanka ay kaga adkaan doonaan dalka Soom...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Dowladda KMG oo Saanad Militari u dirtay

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Warar Hoose oo ay heshay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegaya in dowladda KMG Soomaaliya ay u dirtay Maamul goboleedka Puntland diyaarad siday saanad militari oo aad u fa...

Wasaarada Arimaha bulshada oo sheegtay i

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaarada dhaqan celinta iyo Arimaha Bulshada Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ay kala qeyb qaadaneyso ka shaqeynta arimaha bulshada ee gobo...

Dowlada oo baaq u jedisay Besha Caalamka

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network-14-05-2010) Wasiiirka Ganacsiga ee dowladda KMG Soomaaliya C/rashiid Maxamed Ciro oo maanta Shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xiligan aan loo baahneyn in K...

Rasaas Habow ah oo waxyeelo u geysatay S

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa faah faahin ka bixisay qasaare ka soo gaaray rasaas habow ah oo dab kicisay oo xalay ku dhacday Xarunta dhexe ee ...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Al Shabaab oo iska fogeeysay inay ku lug

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa iska fogeysay in wax lug ah ay ku lahaayeen dagaaladii qasaaraha geystay ee Ciidamada Puntland iyo kooxo hubaysan ku dhexmaray deegaano ...

Drs. Xaawo Cabdi VS Xisbul Islaam.

News image

  Afgooye: (Sh. M. Network-10-05-2010)–Maamulka Isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ka cosday Mas’uuliyiinta sar sare ee Xisbul islaam in ay dul qaadaan Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam oo ...

Xildhibaan ka tirsan Barlamanka KMG oo M

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Xildhibaan ka tirsan kuwa ugu cad cadaa ee Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta ku dhaawacmay qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee gobolka Banaadir kadib markii rasa...

Kooxo hubaysan oo dhacay mid ka mid ah s

News image

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Kooxo hubaysan ayaa maanta waxaa ay dhac u geysteen shirkada Xawaalada Qaran Express qeybteeda Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyagoo sidoo kalana halkaasi ku dilay Milkiilihii shirka...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT