SHABELLE
Spain oo horey u aheeyd Horiyaalkii Yurub oo xalay noqotey Horiyaalka Aduunka.

Johannesburg: (Sh. M. Network)  Magaalada Johannesburg waxaa Xalay ka dhacday Ciyaar aad u xaamasad badneyn oo aheeyd kama dambeysta Koobka Aduunka iyadoo ay isaga horyimaadeen wadamada Spain iyo Holland.

Xulka Kubadda Cagta Spain ayaa ku guuleysatay markii ugu horeysay abid koobka Aduunka 2010–ka oo culeyskiisu yahay lix kiilo oo dahab taasoo ay waqtigii dheeriga daqiiqadii 117 – aad uu gool u dhaliyey ciyaaryahan A. Iniesta taasoo taariikhda meel weyn kagalay.

Garsoore Howard Webb oo u dhashay dalka (England) ayaa bixiyey digniinihii ugu badnaa ciyaaraha Aduunka isagoo 15 Jaalle u taagay labada kooxood iyo kaarka cas ah, waxaana uu xulka Holland ay ka heleen 10 Jaalle iyo hal gaduud ah, halka shanta kale ay heleen Spain.

Markaan usoo laabano kulankii Holland iyo Spain oo aad u adkaa ayaa waxaa laba fursadood oo goolhayeha lala kor tagay ka cunay xulkiisa ciyaaryahaan Robben kaasoo marna aanan shabaqa la helin.

Dhanka kale waxaa iyagana fursado iska qasaariyey David Villa iyo Febragas oo labadana heleen fursado qaali ah, si kastaba ha ahaatee ciyaarta xalay waxaay ahayd mid isku dheeli tiran waloow ay aad u firfircoonaayeen Xulka Spain.

Spain waxa ay markeedii ugu horeysay timi Finalka Ciyaaraha Aduunka waxayna markii ugu horeysay qaaday koobka Aduunka waxaana taariikhda ugalay inaay heshay laba jeer oo koobab qaali ah sida kii Yurub iyo kan Aduunka sidii ay France samaysay hada ka hor.

Waqtigii loogu talagalay waxay kusoo idlaatay 0 – 0 waqti dheerigii markii lagu daray ciyaartana ay ka harsanayd 30- kii daqiiqo ee lagu daray qadar 3 minute ayaa Ciyaaryahan Iniesta waxa uu kubad uu ka helay ciyaaryahan Febragas uu laad xoog badan shabaqa dhex dhigay sidaasina ay Spain ku xaqiijisay inaay noqotay Championka Aduunka.

Holland ayaa timid markeedii sedexaad finalka koobka Aduunka waxayna markeedii sedexaad weyday koobka Aduunka waxayna markale iska sugi doontaa fursadeeda inaay hanato koobka Aduunka.

Ciyaaraha maanta ayaa waxaa kasoo qeyb galay islaanta boqorada ka ah Holland wiilkeeda ee dhaxal sugaha ah, halka boqorada iyo boqorka Spain ay iyagana diyaar ku ahaayeen garoonka Soccer City, waxaa isna garoonka xaadir ku ahaa halyeeyga aduunka Nelsa Mandella, sidoo kale madaxweynaha koonfur Afirka iyo Sep Ballatar ayaa iyagana ahaa dadkii koobka gacanta ugaliyey xulka Spain oo ku guuleystay koobka Aduunka oo markii ugu horeysay lagu qabtay qaarada Yurub oo markii ugu horeysay ay qaaday xul aan abid qaadin.

Waxyaalaha mucjisada ee laga dhaxlay koobka aduunka Sannadkaan ayaa ahayd iyadoo ciyaar waliba ay saadilin jirtay bahal fara badan oo ku nool badda kaasoo mar waliba saadaalin jirtay ciyaar waliba iyo cida ku guuleysanaysa iyadoo biyaha dhexdiisa loo galin jiray labada calan xulka ku guuleysanaya iyadoo saadaasheeda aan marna gafin ayay ciyaaraha dhaceen sidii saadaasha ahayd.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Taliska Puntland ee gobolka Mudug oo ka

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliska Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa saakay Shabelle uga warbixiyay howlgalo ciidamada Puntland ay ku soo qabqabteen rag la sheegay in ay ari ka...

Mambasa oo laga furay Maxkamad gaar ah o

News image

Mambasa (Sh. M. Network) Dowladda Kenya ayaa Maanta Maxkamada loogu talagalay in la saaro kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee Maraakiibta shisheeye ay ka soo qabtaan biyaha Soomaaliya iyo meelaha ku dhow...

Xisbul Islaam oo dadka gobolka Sh/hoose

News image

Afgooye: (Sh. M. Network) Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Sh/hoose ayaa ugu baaqay dadka ku nool gobolkaasi inay ka qeyb qaataan dagaalada ay ugu yeereen Jihaadka ee ay ku dhim...

Somali, UN-ka iyo Maraykanka oo Shiray.

News image

Naiarobi: (Sh. M. Network-13-05-2010) Waxaa maanta hoteelka Barakaat ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, lagu qabtay shir loogu gogol xaarayo shirka ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay oo ay ganacsatada Soomaal...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Maxkamadeyn dib loo dhigay.

News image

Washington: (Sh. M. Network-14-05-2010) Maxakamda ku taala wadanka Mareykanka ayhaa waxa ay dib u dhigtay maxkamad dalkaasi lagu saari lahaa burcad badeed Soomaali ah. Garsoore ka tirsan maxkamad ay ka socotay...

Safaaradda Somalida Kenya oo sheegtay in

News image

Nairobi: (Sh. M. Network) Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ciidamada dalka Kenya ay yareeyeen qab qabashadii dadka Soomaalida mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku hayeen iyadoo dhinaca kalana shee...

Xildhibaano cambaareeyay dilkii iyo dhaa

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa cambaareeyay dilkii xalay degmada Buuhoodle loogu geystay mid ka mid ahaa gudiga doorashooyinka Somaliland xili uu ku guda jiray door...

Axmed Diiriye “ Waa wax laga naxo in Som

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Axmed Diiriye Cali afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Kampala isagoo sheegay in saameynta ugu daran ay u geysaneyso Soomaalida ku n...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Al Shabaab oo dad masoomayaal ah ka qab

News image

Diinsoor: (Sh. M. Network) Ciidamada Xarakada Al Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa Maanta howlgalo ay ka sameeyeen degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxaa ay ku soo qab qabteen dad ...

Ciidamada Somaliland oo rasaaseeyay Wasi

News image

Laascaanood: (Sh. M. Network) Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegay in Maanta Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ay rasaas la eegteen Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Puntland iyo Ilaaladiisa oo ku s...

Maamulka Galmudug oo eedeyn kulul u jeed

News image

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin oo dhawaan dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta goboka Mudug ayaa korarka burcad badeeda dusha uga turay Maraakiibta shis...

Faah faahinta kulankii Barlamanka ay ku

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Kulanka intiisa badan uu buuq ragaadiyay islamarkaana ay warbixino ku bixiyeen musharixiinta gudoonka Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqd...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Soomaalida ku nool Kenya oo xustay 26-ka

News image

Nairobi: (Sh. M. Network)  Magaalada Nairobi dalka Kenya waxaa ka dhacay Munaasbado waaweyn oo loogu dabaaldagayo xuska maalinta xuriyada dalka Soomaaliya oo haatan 50 sano jirsatay iyadoo dhinaca kalana ay isku...

Dowladda Ugandha oo Soomaliya u soo dirt

News image

Kampala: (Sh. M. Network) Dowladda wadanka Ugandha ayaa sheegtay in 750-askari ay u soo diortay gudaha Soomaaliya si ay ugu biiraan ciidamada ururka Midowga Afrika AMISOM ee Muqdisho ku sugan....

Taliska Ciidanka Booliska oo sheegay in

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliyaha ciidanka Booliska dowladda KMG Soomaaliya Cali Max’ed Xasan Cali Looyaan ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidanka dowladda KMG Soomaaliya ay qaadan doonaan mardhow guno...

Ciidanka Kenya oo xalay Mandheera ku xir

News image

Mandheera: (Sh. M. Network) Ciidamada Wadanka Kenya gaar ahaan kuwii militariga ee dhawaab la geeyay Xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa Xalay Magaalada Mandheere ee dalkaasi Kenya waxaa ay ku x...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT