SHABELLE
Wasiirka dowlada Ingiriiska ee Arimaha Afrika oo Wareysi qaas ah siiyay Shabelle.

Nairobi: (Sh. M. Network) Wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika oo Maanta wareysi qaas ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka taagan Soomaaliya, Somaliland, Puntland,  Lamaanaha Ingiriiska iyo Qaraxyadii ka dhacay Kampala.

Wasiirka Cusub ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika Henry Bellingham oo maanta waraysi gaar ah siinayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa wuxuu sheegay inay waajib tahay in dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan loo helo xal siyaasadeed,

Wasiirka oo Wariyaheena  Axmed Nuur Max’ed Faarax Gantleman uu wareysi kula yeeshay Magaalada Nairobi ayaa intaasi ku daray inay u caddeeyeen dowladda KMG ee Soomaaliya in ay ka doonayaan inay horumariso shaqadeeda iyo wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay la shaqaynayaan maamulada Somaliland iyo Puntland si ay horumiyaan taageeradooda shacabiyadeed.

“Ma aha oo kaliya dowladda KMG waxa aan la shaqaynayno laakiin sidoo kale waxaan la shaqaynaynaa mamaulka cusub ee Somaliland, maamulka Puntland iyo maamulada kale ee ka jira gobolladda Soomaaliya, waxaan soo dhawaynaynaa fikrad kasta oo wax dhisaysaa, si loo helo dib u heshiisiin buuxda” ayuu yiri Henry Bellingham oo u waramayay Shabelle

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka oo ka hadlayay ciidamada dheeraadka ah ee midawga Afrika uu doonayo in la geeyo Soomaaliya waxa uu sheegay inay ciidamadaasi ay xoojin doonaan ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan isaga oo intaasi ku daray inuu aaminsanyahay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay si wanaagsan u wada shaqayn doonaan xilligaan, isla markaana ay dhamaystiri doonaan shaqada loogu talo galay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirki in wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya uu dawr muhiim ah ka cayaari doono xal loo helo dhibaatada Soomaaliya.

Dhanka kale Bellingham oo ka hadlayay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Kampala ayaa aad u cambaareeyay Al-Shabaab isaga oo sheegay inay waxyeelo u gaysanayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ka hor istaageen gargaarka bini’aadanimo dadka ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan ku dadaalaynaa in aan kula talino wadamada deriska ah inay xoojiyaan la dagaalankooda argagaxisada, waxaan sidoo kale ku dadaalaynaa in xagjirka kasta oo dalka Ingiriiska ku nool kaasi oo ku fikiriya inuu Soomaaliya yimaado in aan ka hortagno, innaga oo ka dhaadhicayna Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan boqortooyada Ingiriiska inay ka hortagaan barnaamijada argagaxisada si aan loo dhibaatayn Soomaalida.” Ayuu yiri xili uu u jawaabayay Wariye Gentleman

bidix wariye axmed noor_and henry bellinghamok

Wasiirka ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay lamaanaha Ingiriiska ee lagu haysto dalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay kooxaha haysta in aysan waxyeelo u gaysan lamaanayaashaas isla markaana si shuruud la’aan oo degdeg ah ku sii dayaan. Waxa uu sheegay inaysan is badalin siyaasada Ingiriiska isla markaana aysan wax madax furasho ah siin doonin kooxaha haysta lamaaanayaasha ingiriiska.

Wasiirka ayaa booqashadiisa Kenya uu ku yimid waxa uu diirada ku saarayay inta badan arimaha Soomaaliya isaga oo sheegay in dowladda Ingiriiska ay kordhinayso taageerada ay u fidiso shacabka Soomaaliyeed.

Cabdikariin Maxamed Jimcaale

Shabakada Warbaahinta Shabelle

Nairobi, Kenya

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Stories

Markab Hilib u siday Falastiiniyiinta oo

News image

Gaza: (Sh.M.Network) Markab Hilib u siday dadka Falastiiniyiinta ee ku nool magaalada Gaza ee dhulalka reer Falastiin ayaa ka  baxsaday weerar Burcad badeed Soomaalida ay ku doonayeen in ay ku qafaas...

Rushka oo lasiinayo dekad kutala Jabuti.

News image

Jabuuti: 17, May.10 ( Sh.M.Network) Dowlada Jabuuti, oo ka mid ah wadamda Geeska Afrika ku yaala ayaa waxa ay sheegaty in ay ugu deeqeyso markaamiibta dagaalka dalka Ruushka dekada ay sa...

Jaaliyada Somalida ee Maraykanka oo ku b

News image

Minnesota : (Sh. M. Network) Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa ka dalbaday dowladda Maraykanka in ay ka shaqeeyaan sidii aan ciidamo kale loo keeni laheyn gudaha wadanka Soom...

Taliska Puntland ee gobolka Mudug oo ka

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliska Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa saakay Shabelle uga warbixiyay howlgalo ciidamada Puntland ay ku soo qabqabteen rag la sheegay in ay ari ka...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Puntland oo sheegtay in burcad badeedu a

News image

Boosaaso (Sh. M. Network) Wasaarada Kaluumaysiga iyo kheyraadka Badda ee Maamulka Puntland ayaa sheegtay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay saameyn ku yeesheen kaluumaysigi xeebaha deegaanada hoostaga Maamulka Puntland....

Maamulka X/weyne oo sheegay in amaanka d

News image

Muqdisho: (Sh.M.Network) Gudoomiyaha degmada X/weyne C/laahi Sahal Gardhuub oo wareysi siiyay Shabelle ayaa sheegay in ay wax badan ka qabtaan xaalada amaan ee degmada X/weyne kadib cabsho xoogan oo ay ka m...

Qaban qaabada xaflad xilka loogu wareeji

News image

Hargeysa: (Sh. M. Network) Waxaa Magaalada Hargeysa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee loo sameynayo xaflad saacadaha soo aadan xilka uu kula wareegayo Madaxweyne Axmed Max’uud Siilaanyo iyadoo ay ka...

Dagaalada oo wali Muqdisho ka sii socda

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa wali Magaalada Muqdisho ka sii soc dagaalo ay ku dhimanayaan shacabka aan waxba galabsan, una dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhan ah iyo ...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Rasaas Habow ah oo waxyeelo u geysatay S

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa faah faahin ka bixisay qasaare ka soo gaaray rasaas habow ah oo dab kicisay oo xalay ku dhacday Xarunta dhexe ee ...

Xaalada Muqdisho oo degan iyo dadkii uu

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa saakay xaalad deganaansho ah si weyn looga dareemayaa Magaalada Muqdisho oo 11-kii maalin ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen duqeymo iyo dagaalo xariir ahaa oo u...

Dowlada Uganda oo 2,000 oo askari u Soo

News image

Kampala: (Sh. M. Network) Dowladda wadanka Uganda ayaa sheegtay in 2,000 oo askari oo ka socda Uganda ay u soo direyso gudaha wadanka Soomaaliya si ay ugu biiraan howlgalka Ciidamada AMIS...

Madaxweyne Shariif iyo Midowga Afrika oo

News image

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Urur goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxyadii dhimashada badnaa ee xalay ka dhacay Maga...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT

Stories

Puntland oo 6 sano oo xarig ah ku xakunt

News image

Boosaaso: (Sh. M. Network) Maamulka Puntland ee Magaalada Boosaaso ayaa maanta 6 sano oo xarig ah waxaa uu ku xakumay Agaasimaha Warbaahinta Horseed Media ee Magaalada Boosaaso kadib markii lagu eede...

Ismaaciil Cumar Geele iyo Axmed Walad Ca

News image

Jabuuti: (Sh.M.Network)Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Ergaygii hore ee Soomaaliya u qaabilsanaa Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdala iyagoo halkaasi ka soo wada saaray baaqyo ku wajahan doorka Jabuuti iyo ...

Roobab jaray Korontadii iyo Isgaarsiinti

News image

Afgooye: ( Sh.M.Network) Wararka laga helayo degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka da’ay roob xoogan oo jaray isgaarsiintii degmadaasi islamarkaana dad badan ...

Shil gaari oo sababay dhimashada in ka b

News image

Kismaayo: (Sh. M. Network) Shil gaari oo sababay dhimashada in ka badan 10 ruux iyo dhaawaca tiro intaasi ku dhow ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee ...

More in: NEW IN SOMALI CONTENT