Somali

Ciidamada Ethiopia oo galabta dib ugu soo laabtay Buurta Jante Kundisho ee duleedka Magaalada B/Weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Qaar ka mid ah Ciidamada Ethiopia oo saakay iyaga iyo xoogaga ka soo horjeeda uu dagaal ku dhaxmaray deegaanka Ceel gaal ee duleedka magaalada B/weyne ayaa lagu soo waramayaa in galabta ay dib ugu soo laabteen Buurta Jante kundisho 5 KM dhanka bari u jirta ee magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku baaqay in la dayactiro Kawaankii hore ee Gowraca ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dowlada KMG iyo Shacabka Soomaaliyeed in dayactir ku sameeyaan kuwaankii hore Gowraca ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uul ka tirsan maamulka Madaniga ee gobolka Sh/Dhexe oo maanta iscasilay.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Madaniga ee Gobolka Sh/Dhaxe ayaa ku dhawaaqay in uu iska Casilay howlihii uu ka hayay Maamulkaasi.

Xaalada Jisiirada Madhwa ee gobolka J/hoose oo degan.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Xaalada Jasiirada Madhawa ee gobolka J/hoose ayaa degan kadib dagaal ay dadi ku dhinteen oo shalay galinkii dambe halkaasi ku dhexmaray kooxo Maleeshiyaad ah iyo Ciidamo la sheegay in ay taageersanyihiin Maxkadaha Islaamka.

Gudiga Taakuleynta Agoonta Soomaaliyeed oo cambaareeyay falkii shalay galinkii dambe lagu dilay gudoomiyihii gudigaasi.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Gudiga taakuleynta Agoonta Soomaaliyeed ayaa maanta Cambaareeyay falkii shalay galinkii dambe lagu dilay gudoomiyihii gudiga Agoonta Soomaaliyeed.

Nin hubeysan oo maanta dad rayid ah ku laayay isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.NetworkNin hubeyasan ayaa maanta sedex qofood oo rayid ku risaaseeyay isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Sedaxdaan ruux dilkooda iyo dhaawaca soo gaaray ruux kale ayaa waxaa geystay nin burcad ah sida goobjoogayaashu ay ku waramayaan kaasi oo Mowqifkiisu ahaa in uu Mobeylo ka qaato nin ka mid ahaa dadka la dilay.

Qaxootiga ZanZibaariyiinta oo dowlada KMG ugu baaqay in ay soo daayaan dad ay ku sheegeen in ay xirteen Ciidamo ka tirsan KMG.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Qaar ka mid ah Ehelada ZanZibaariyiinta ayaa waxa ay Cabanayaan Xaalada 5 ka mid ah Qaxootiga ee ku nool wakaaladii hore ee ee biyaha kuwaasi oo la sheegay in ay u xiran yihiin Ciidamada dowlada KMG.

Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Sh/hoose oo Cambaareeyay falalka ka dhanka ah Shacabka iyo hay’adaha Samafalka.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay Cambaareeyeen falalka ka dhanka ah Shacabka iyo Hay’adaha Samafalka ee ka howl gala gudaha dalka Soomaaliya.

Dagaal xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan .

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Dagaal xoogan ayaa maanta ku dhaxmaray Ciidamada Ethiopia iyo xoogaga ka soo horjeeda nawaaxiga deegaanka Ceel gaal ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Maxkamadaha islaamka oo howlgalo ay dadi ku dhaawacmeen ka sameeyay degmada Cadalle ee Gobolka Sh/Dhaxe.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ayaa howlgalo ay dadi ku dhaawacmeen waxa ay ka sameeyeen degmada cadalle iyo deegaano hoostaga ee Gobolka Sh/dhexe.

Maxaabiis ku xirnaa xabsiga liibiya oo la sii daayay.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-Tahariibayaal Soomaaliyeed oo mudo ku xirnaa Xabsi ku yaala dalka Liibiya ayaa lagu soo waramayaa in laga sii daayay.

Qaar ka mid ah Culamaa'udiinka Muqdisho oo Cambaareeyay falkii shalay lagu dilay Guddoomiyihii gudiga Taakuleynta Agoonta Soom

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)- Qaar ka mid ah Culamaa’udiinka Magalaada Muqdisho ayaa cambaareeyay falkii shalay lagu dilay Guddoomiyihii gudiga Taakuleynta Agoonta Soomaliyeed.

Dad Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah taageerada Mareykanka uu siiyay Ethiopia ka dhigay dalkaasi Mareykanka

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)- Dad Soomaaliyeed ayaa dalka Mareykanka waxa ay ka dhigeen Banaanbax ka dhan ah howlgalada mareykanku uu ku amaanay in Ciidamada Ethiopia ay ka wadaan Soomaaliya.

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Maxkamadaha islaamka oo dhaq dhaqaaq Ciidan ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)- Ciidamada Ethiopia iyo kuwa maxkamadaha islaamka ayaa saakay dhaq dhaqaaq milatari waxa ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Goobaha ay Ciidamada ka wadaan dhaq dhaqaaqa waxaa ka mid ah tuulooyinka ceel gaal iyo Jawiil ee duleedka waqooyi bari ee Magaalada B/weyne ee goboolka hiiraan.

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Saxaraha u dhaxeeya liibiya iyo Suudaan oo qaarkood magacyadooda la helay.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)-waxaa la helay Magacyada qaar ka mid ah dhalinyaradii tahriibayaasha ahaa ee ku geeriyooday Saxaraha u dhaxeeya liibiya iyo Suudaan.

Dowlada wadanka Rwandan oo sheegtay in Ciidamo ay u direyso Soomaaliya.

Muqdisho.03.July.2008.(Sh.M.Network)- Afhayeen u hadlay Ciidamada Rwandan oo lagu Magacaabo Jill Rutaremara ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in go’aankaan u dirida Ciidamo ka socda dowlada Rwandan ee dalka Soomaaliya lagaari doono dhamaadka sanadka 2008.

Sedax qof oo rayid ah oo galabta siyaabo kala duwan loogu khaarijiyay Muqdisho.

Muqdisho.02.July.2008.(Sh.M.Network)-Ilaa sedax qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo aan la garan ujeeda loo dilay ragaasi.

Dilka koowaad waxa uu ka dhacay agagaarka Siyadka oo ay dileen Ciidamada dowlada KMG,waxaana maydka ninkaasi la geeyay Masjidka marwaas ee degmada Xamar weyne.

Israsaaseyn ay dadi ku dhinteen oo maanta ka dhacday agagaarka kuliyadii hore Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho.02.July.2008.(Sh.M.Network)- Is risaasayn dhimasho sababtay ayaa waxa ay ka dhacday aga gaark Kulyadii hore ee Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Is risaasayntaan ayaa waxaa ay dhex martay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG Soomaaliya oo ku sugnaa qaybo ka mida wadada warshadaha iyo kooxo wareer ku soo qaaday goob ay Ciidamdaasi ku qaadayeen lacago sharci daro ah.

Hay’ada Samafalka AL-Wafaa oo deeq gaarsiisay Barakacayaasha Soomaaliyeed eek u sugan Ceelasha Biyaha.(Daawo Sawirada)

Muqdisho.02.July.2008.(Sh.M.Network)- Deeqdan ay manta qeybisay Hey’adda Alwafa oo fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho iskaashina kala sameysay Hey’adda Ixyaa Alturaath Alislaami ee dalka Kuwait ayaa la gaarsiiyay in ka badan 700 ruux oo ku nool xero ku taala Duleedka Waqooyi Ceelasha Biyaha ee konfurta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho .

Maamulka Gobolka Sh/hoose oo canbaareeyay afduub loo geeystay mid ka mid ah shaqaalaha hay’ada Samafal oo ka howlgaleeysay ...

Muqdisho.02.July.2008.(Sh.M.Network)- Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa canbaareeyay afduub loo geeytay shaqaale u shaqeeynayay hay’ado samafal oo ka howlgalayay gobolka Sh/hoose.

 
8am
1.30pm
7pm
Sat
Sun
Mon
Tue
Wed
Thu
Fri