Shabelle: MUQDISHO
Kooxo hubeysan ayaa waxaa ay dhaawac halis ah u geysteen siyasi caan ahaa oo xubin ka ahaa isbeheysigii la dagaalanka argagixisada xili uu ku suganaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Ciise Cismaan oo xubin ka ahaa isbeheysiga la dagaalanka Argagixisada ee magaalada Muqdisho ay uga dhawaaqeen hogaamiye kooxeedyadii dagaalka looga itaalka roonaaday ee ay la galeen maxakamadihii midoobay ayaa waxaa kooxo hubeysan ay dhaawac halis ah ugu geyteen xili uu ku sugaan Monta Siinay gaar ahaan Mel lagu ciyaarayay Bilyaardi.
Sidoo kale kooxaha hubeysan ayaa waxaa ay halkaasi ku dileen labo ka mid ah ilaalada masuulkaasi.
Dhaawaca Ciise Cismaan ayaa waxaa loo qaaday Cisbitaalka Keysneey waxaana la sheegay in dhaawaciisa uu ahaa mid aad u liita.
Kooxihii dilka iyo dhaawaca halkaasi ka geystay ayaa waxaa ay isaga tageen goobta waxaana qadar daqiiqado halkaasi soo garay ciidamada Booliiska kuwaasi oo isku gadaamay.
Xaalada wadada isku xirta Isgooysyada Siinaay iyo 4 jardiino ayaa aad u cakiran waxaana uu saameyn ku yeesha weerarkaasi lagu dhaawacay Ciise Cismaan isku socodka dadka iyo Gaadiid ee wadadaasi
Ciise Cismaan ayaa waxaa uu horay warbaahinta gudaha uu u sheegay in uu ka baxay isbeheysiga la dagaalanka argagixisada xili isbeheesigaasi dagaal xoogan oo ay la galeen ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.
Wixii warar ah eek u soo kordha kala soco Shabelle.net